4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Taliska Qaybta Booliiska Degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug oo Dhaliilay Wax-qabadka Wasaaradda Amniga Puntland

Axad, November 24, 2013 (HOL) — Taliyaha qaybta booliiska degmada Jarriiban ee gobolka Mudug oo ka hadlayay shir uu ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in saldhiga degmada uu qarka u saaran yahay inuu gabi ahaan bur-buro, isla markaana loo baahan yahay in arrintan ay taageero ka gaystaan wasaaradda amniga Puntland iyo madaxda gobolka.

“Maamulladii soo maray Puntland oo aan codsiyo u gudbinay illaa hadda cid noosoo jawaabto ma hayno oo wax ka qabata baahiyaha halkan ka jira ma jirto,“ ayuu yiri G/sare Cabdullaahi Yusuf Carays oo xusay in degmadu ay muhiim u tahay gabi ahaan gobolka Mudug.

Waxaa kaloo taliyaha uu sheegay in saldhigga degmada uusan wax dayactir ah helin laga soo bilaaabo xiliggii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia, isla markaana saldhigga uu ka muuqdo bur-bur xooggan oo u baahan in wax looga qabto.

“Cid kasta waa fahmi karta ahmiyadda uu saldhig ciidan u leeyahay degmo caynkan oo kale ah,“ ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo eedda arrintan dusha uga tuuray laamaha arrintan ay quseyso sida wasaaradda amniga Puntland.

Dad uu ka mid yahay guddoomiyiii hore ee degmada Jarriiban Axmed Aadan Dheere ayaa mar sii horreysay dayr ku wareejiyay dhulka uu saldhigu ku fadhiyo si looga hortago in dadka degmada ay ku habsadaan oo dhistaan.

“Muhimad weyn ayuu u leeyahay saldhiggan amniga Jariiban haddii dayactir lagu sameeyo,” ayuu yiri Axmed Aadan Dheere oo ugu baaqay madaxda Puntland in arrinta si deg–deg ah wax looga qabto.

Qaar ka mid ah waxgaradka Jarriiban ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay maamulka degmada inuusan gudan shaqadii loo idmaday, isla markaana ay dayacan yihiin arrimo badan oo loo baahanaa in wax laga qabto sida bilicda degmada iyo caafimaadka.

Ugu dambeyn, maamulka degmada Jariiban ayaa laga soo sheegayaa in uusan wax canshuur ah kaba qaadin dadka degmadaasi ,taasi oo keentay in adeegyadii bulshada ay hoos u dhacaan,waxaana taliyaha qaybta booliska Cabdulahi Yusuf Carays uu meesha ka saaray in wada shaqayn joogta ah  leeyihin madaxda amniga Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya