4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya oo Amaray in Albaabbada loo Laabo Dhammaan Xeryaha Qoxootiga ee ku Yaalla Kenya

PHOTO | FILE Interior Cabinet Secretary Joseph ole Lenku during a past briefing.
Axad, November 24, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhammaan xeryaha ay ku jiraan qoxootiga ee ku yaalla dalka Kenya, isagoo sheegay in qoxootiga ku jira xeryahaan dib loogu celiyo dalkooda.

Isagoo dhammaan hay’adaha caawiya qoxootiga ee ku sugan Kenya ugu baaqay inay howshooda u wareejiyaan deegaannada nabdoon ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu ay billaabayso dib u celinta qoxootiga Soomaalida ah.

“Dhammaan kaamamka ay ku jiraan qoxootiga waa la xirayaa, go’aankaasna waa mid horay loo gaaray,” ayuu Lenku sheegay xilli uu booqasho ku tagay kaamam ku yaalla deegaannada Dhadhabaab oo ku jiraan qoxooti Soomaali ah.

Wasiirku wuxuu wax aan la aqbali karin ku tilmaamay doodad qaar ka mid ah qoxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Kenya oo ah inaysan weli ka jirin Soomaaliya nabad, isagoo sheegay in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo hay’adaha gargaarka ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

“Hay’adaha waxaan ugu baaqaynaa inay billaabaan barnaamij ku aaddan in deegaannada nabdoon ee Soomaaliya dib loogu celiyo qoxootiga,” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan in ka badan hal milyan oo qoxooti ah, kuwaasoo u dhashay dalka Soomaaliya, waxaana xukuumadaha Kenya iyo Soomaaliya ay dhawaan ku heshiiyeen in qoxootigaas dib loogu celiyo dalka Soomaaliya, inkastoo la sheegay in qoxootiga ay tahay inay iyagu si iskood ah u dalbadaan dib u celinta.

Booqashada Linku uu ku tagay xeryaha Qoxootiga waxaa ku wehlinayay xildhibaan Yuusuf Xaaji, madaxa UNCHR ee Kenya, Elike Segbor, guddoomiyaha degmada Gaarisa Nadiif Jaamac iyo xubno kale.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa wuxuu daba socdaan hadallo uu dhow jeer warbaahinta u siiyay, kuwaasoo ku aaddan in dib loogu celiyo qoxootiga Soomaalida ah dalkooda, lana xiro xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya