4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Mooshinkii laga gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu wado inay dooddiisu Billaabato Toddobaadka Soo Socda

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku dhawaad 170 xildhibaannada oo baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ay mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia u gudbiyeen guddoonka baarlamanka ayaa lagu wadaa in mooshinaas dooddiisu ay si rasmi ah u billaabato toddobaadka soo socda sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah howl-wadeennada baarlamaanka.

Mooshinkan oo kalsoonida lagala laabanayo xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayay xildhibaannadan kaga dalbadeen guddoonka sare in kalsoonida lagala laabto xukuumadda, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli uu jiro muran siyaasadeed xooggan oo soo dhex-galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Waxaa maanta baarlamaanka loo soo gudbiyay mooshin ka dhan ra’iisul wasaare Saacid, waxaana ku saxiixnaa 168-xildhibaan, waxaana lagu wadaa in toddobadka soo socda loo qaybiyo xildhibaanada maalmo gudahoodna la billaabo dooddiisa,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan xafiiska xoghaynta golaha shacabk shacabka.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa aroornimadii maanta u xaqiijiyay HOL in mooshin ay ka gudbinayaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kaasoo ay ku dalbanayaan in baarlamaanku uu kalsoonida kala laabto xukuumadda Soomaaliya.d

Ma jiro weli hadal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia oo looga hadlay mooshinkan laga gudbiyay xukuumadda, iyadoo maalinta berri ah lagu wado inuu dalka dib ugu soo laabto guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo dalka Kuwait uga qaybgalay shirkii Jaamacadda Carabta iyo Afrika.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo horay u sheegay inuu ku kalsoon yahay in khliaafka isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya kala dhexeeya lagu xalliyo hab dastuuri ah oo la horgeeyo baarlamaanka ayaan la ogeyn in firkiisa uu bedeli karo mooshinkan.

Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarihiisa ayaa weli halkiisii taagan, iyadoo madaxweynuhu uu ku adkeysanayo inuu xilka ka dago ra’iisul wasaaraha iyo ra’iisul wasaaraha oo arrintaas si xooggan u diidan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya