4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Macallinku Waa Nolosha Dalka, Wuxuuna Aasaas u dhigeen Mustaqbalka Guud ee Dalka”


Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo maanta ka hadlay maalinta Macalinka Soomaaliyeed ayaa aad u ammaanay doorka macallimiintu ay kaga jiraan horumarka iyo isbedelka dalka isagoo yiri: “Macallinku waa nolosha dalka.”

Maanta oo ay bisha November ku beegan tahay 21 ayaa waxaa laga xusi jiray Soomaaliya maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxaana maalintan u asteeyay macallinka xukuumaddii kacaanka ee dalka ka talinaysay muddo 21-sano ah.

“Macallimiintu waxay aasaas adag u dhigeen mustaqbalka dadka soo koraya oo halay waxbarasho tayeysan oo ay ka hor-tageen fikirka xag-jirka ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay bulshada ku hoggaamiyaan nolol wanaagsan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay doorka macallinka Soomaaliyeed.

Inkastoo dalka uu soo maray 22-sano oo colaado sokeeye ah ayaa haddana waxaa intii lagu jiray colaadaha ka jiray dalka iskuullo iyo jaamacado ay wax ku bartaan caruurta iyo dhallinta Soomaaliyeed, inkastoo ay dhigtaan dadka iska bixin kara lacagaha waxbarashada oo keliya.

“21-kii November ayaa waddanka laga xusaa maalinta macalinka oo taariikh weyn ku lah Soomaaliya. Maanta dalku waxuu galay marxalad nabad ah oo tusaale u ah sida macallinka iyo waxbarashada ay uga adkaaneyaan dagaal iyo colaad. Macalaimiintana waxay door muhiim ah kasoo qaateen sidii dalku uga dhici lahaa isbedel dhanka nabadda ah oo laga soo kabanayo colaadihii. Waxbarashada in muddo ah baan kusoo jiray oo qayb weyn oo nolosheyda ah aan bahda waxbarashada ahaa, waana inaan macallimiinta ixtiraamka iyo sharfka ay naga mudan yihiin aan siinno,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa amaanay doorka geesinimada ah ee macallimiinta Soomaaliyeed. Isagoo yiri: “Fikirka xag-jirka ah waxaa lagula dagaallami karaa iyadoo waxbarasho tayeysan la siiyo guud ahaan caruurta Soomaaliyeed. Dhawaan ayay ahayd markii culumadu ay shirkoodii heerka Qaran ee xag-jirnimada kasoo saareen go’aan ay isku raaceen in si wadajir ah loola dagaallamo fikirka xag-jirka ah.”

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya