4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Mareykan ka oo Saldhigyo ay kula Dagaallamayaan Al-shabaab ka dhisaysa xadka ay wadaagaan Somalia, Jabuuti iyo Kenya

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa wadda qorshe ay saldhigyo kaga dhisayso xuduudaha ay wadaagaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti, kuwaasoo ay sheegtay inay kula dagalaamayso kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Warbixin arrintan ku saabsan oo ay daabaceen wargeysyo kasoo kala baxa Kenya iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in saldhigyadan laga dhisi doono deegaannada ku teedsan xuduudaha Jabuut iyo Kenya ay la wadaagaan dalka Soomaaliya.

Saraakiil u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in saldhigyadan loo adeegsan doono in lagula socdo dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab ay ka sameynayaan xuduudaha iyo sidii weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab looga abaabuli lahaa.

Sidoo kale, saraakiishu waxay sheegeen in dhaqaaaha ku baxaya dhismaha saldhigyadan uu gaarayo malaayiin doollar, waxaana si gaar ah saldhigga laga dhisayo xuduudda Kenya iyo Soomaaliya uu uga caawin doonaa dalka Keynya sugidda ammaanka.

Dowladda Kenya ayaa dhankeeda soo dhaweysay saldhigga la dhisi doono xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay ay u sheegeen wargeysyada dalkaas in lagu xiri doono qalab dayac-gacmeedka la shaqeeya kaasoo dalkooda ka caawin doona dhinaca ammaanka.

Kenya ayaa waxay tan iyo markii ay kumannaan askarteeda ka mid ah u dirtay dalka Soomaaliya dhammaadkii 2011 ay la kulmaysay weerarro aan kala go’ lahayn oo kaga imaanaya Al-shabaab, kuwaasoo uu ugu dambeeyay weerarkii maalmaha qaatay ee ay kooxdan ku qaadday Westgate Mall.

Tallaabadan uu Mareykanku ku doonayo inuu saldhigyo ciidan kaga dhisayo xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagaan dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa ku soo beegmaysa xilli Al-shabaab ay ku hanjabtay inay weerarro ka geysan doonto dalalka ay ciidamadau kaga sugan yihiin Soomaaliya oo ay labadan dal ku jiraan.

Mareykanka ayaa waxaa kaga sugan dalka Jabuuti 4,000 oo askari, kuwaas oo halkaas u jooga howlo ay kula dagaalamayaan argagaxisada, waxaana laga soo abaabulaa saldhiggaas howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya