4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Somalia waxay saxiixi doontaa heshiiska Caalamiga ee Xaquuqda Carruurta” (SAWIRRO)


Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan  Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay iskuulka Xamar Jab-Jab ee gobolka Banaadir, isagoo sheegay in Soomaaliya ay saxiixi doonto heshiiska caalamiga ee xaquuqda carruurta, maadaama ayy maanta ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee xaquuqda carruurta Adduunka oo aasaaskeedu uu ku beegnaa 20-kii November 1989kii markii Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay maalinta Xaquuqda Carruurta Adduunka.

Heshiiskan ayaan waxaan weli saxiixin saddex dal oo caalamka ku yaalla, kuwaasoo kala ah, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Mareykanka iyadoo haddii ay Soomaaliya saxiixdo heshiiskan ay ku biirayso dalalka dunida ee horay u saxiixay.

“Waxbarashadu waa iftiinka nolosha oo la’aanteed aan suuro-gal ahayn in la noolaado. Maanta waa maalinta carruurta caalamiga ah ee caalamka, waana inaan kuwada dadaalnaa sidii carruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xaquuqdooda aasaasiga ah, sida waxbarasho lacag la’aan ah,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbad uu ka jeediyay iskuulka Xamar-Jajab.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa ku sheegay in booqashadiisa maanta ay ka tarjumeyso ahmiyadda ay dowladdu siineyso wax-barashada iyo dhaqan-gelinta tiigsiga dowladda ee ah in hal milyan oo carruur ah ay aadaan Iskuullada oo ay helaan waxbarasho tayeysan.

“Waxbarashadu waa raasumaal aan weligaa ka go’aynin oo qof kale uusan kaa qaadan karin oo adduun iyo aakhiraba ku anfacaya ee waa in ardayda Soomaaliyeed ay ku dadaalaan waxbarashadooda, si waddanka uu u helo hoggaamiyeyaal aqoon leh. Carruurtana waa hoggaamiyeyaashii berri oo qaarkiin aad noqon doontaan taliye ciidan, agaasime, Wasiir iyo sidoo kale madaxweyne. Sidaas daraadeed, carruurtu waa inay ku dadaalaan wax-barashadooda. Waqtigeyga intiisa badan waxaan ahaa arday, macallin ama guddoomiye jaamacad oo waxbarashada aad baan u jeclahay,’ ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu baaq u diray Soomaalida isagoo ku yiri hadalkiisa: “Waa in dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, qurbo-joogta iyo waaliddiinta ay ku dadaalaan sidii carruurta Soomaaliyeed ay waxbarasho u heli lahaayeen.”

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas kaddib booqasho ku tagay dekedda weyn ee Muqdisho, isagoo kulan albaabbadu u xiran yihiin la yeeshay maamulka iyo howlwadeennada dekedda Muqdisho.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya