10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2013
Xukuumadda Kenya oo sheegtay in ciidamadeedu ay Duqeeyeen Saldhig ay Al-shabaab Tababar ku siinaysay Xoogaggeeda


Jimco, November 01, 2013 (HOL) —Milateriga dalka Kenya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in duqyn cirka ay oo ay ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku tabaranayasay oo ku yaalla degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Wasaaradda gaashaandhigga Kenya, ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay lahayd Al-shabaab.

Sidoo kale, warsaxaafadeedk ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 300-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo tababarro ku qaadanayay saldhiggaas.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Al-shabaab ay bil ka hor weerar ku qaaday suuq ganacsi oo ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasoo kooxihii weerarka ku qaaday ay gacanta ku hayeen afar maalmood oo xiriir ah, sidoo kalena ay ku dhinteen 67-qof oo Kenya iyo ajnabi isugu jiray.

Diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ayaa toddobaadkii hore duqeyn ay ka geysteen tuulada Dhay-tobaako oo ka tirsan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan, kaasoo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Cabdi (Anta-Anta), iyadoo dowladda Somalia ay sheegtay inuu ahaa ninka Al-shabaab u qaabilsan dhinaca qaraxyada.

Al-shabaab ayaa beenisay sheegashada ciidamada Kenya ee ku aaddan inay duqeyeen goob ay tababarro ku siinayeen xoogaggooda, balse goobjoogayaal ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegay in duqeyntu ay jirto.

Ciidamada AMISOM oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa iyaguna xaqiijiyay inuu dhacay howlgal ay ciidamada Kenya ka geysteen deegaan ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen inay qayb ka tahay cusboonaysiinta howgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo isna hadlay ayaa sheegay in duqeyntu ay jirto, ayna qayb ka tahay howgallada lagu doonayo in Al-shabaab loogu diido dhaqdhaqaaqyada ay ka sameynayaan gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya