4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2013
AMISOM oo wadatashi la yeelatay qubajoogta Soomaaliyeed ee magaalada London.

Khamiis, May 9, 2013 (HOL) - Amison ayaa maanta wadatashi la yeelatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London.

James Gadin oo ah isku-dabaridka kulankaas ayaa sheegay in ujeedada shirkaan uu yahay xogwaran iyo talo qaadasho ay la yeelanayaan AMISOM qurba-joogta Soomaaliyeed eek u nool magaaladan London.

Waxaa shirka furay xoghayaha gaar ah ee midowga Afrika ahna madaxa AMISOM Mahamt Saleh Annadif oo u mahadceliyey qurba-joogta Soomaaliyeed wuxuun uga warbixiyey howlgalada Amisom. Mudne Annadif ayaa ka codsaday in ay qayb ka qaataan dib u dhiska Soomaaliya.

Mar la weydiiyey su'aal ah "maxaa hortaagan in ay AMISOM wada xureyso qaybaha harsan oo  ay hadda haystaan al-Shabaab". Mudane Annadif oo su'aashaas ka jawaabayey ayaa sheegay in ay dhibaato noqotay in dhulka Shabaab laga xureeyo ayada oo aan xal siyaasadeed marka hore la sameyn taas oo keeni karta is-qab-qabsi keena iska horimaad

Ms Jessica Phillips oo ku hadlaysay magaca wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Britain ayaa ka warbixisay sida ay dowladda Britain uga go'an tahay in kaalmeyso Soomaaliya gaar ahaan dhinaca nabadgalyada. Waxaan si buuxda u taageersanahay qorshaha dowladda Soomaaliya ay keentay qorshe dib loogu dhisayo xooga dalka Soomaaliyeed, Booliska Soomaaliyo iyo maxkamadaha dalka.

Waxaa sidoo kale halkaas warbixin ka soo jeediyry mudane Cali Amiir oo ku hadlayey magaca dowladda Soomaaliya.

Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji oo madax ka ah hay’adda Somali Elders Organization. Maxamed ayaa mahadnaq ballaaran u soo jeediyey qaban-qaabiyayaasha shirka iyo howlaha geesinimada leh ee ay ciidamada AMISOM ka wadaan dalka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo halkaas warbixino ka soo jeediyey AMISOM qaybteeda riyadka, AMISOM qaybteeda ciidanka miltariga , AMISOM qaybteeda Booliiska iyo hay’adda Qaramada Midowday ee taakuleysa AMISOM ee loo yaqaano (UNSOA).

Waxaa shirka qaybtiis dambe ee maanta ka hadli doona Dr. Omar Calasow kana hadlidoona xuquuqul aadanah iyo ilaalinta shacabka iyo Mane Axmed oo ayadan ka hadlidoonta xuquuqda dumarka

Shirkaan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta beri ah oo ay bisha may 10keeda.