4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2013
Afhayeenka gudiga farsamada oo ka warbixiyay halka uu marayo shirka maamul u sameynta Jubooyinka
Khamiis, May 09, 2013(HOL) :- Afhayeenka gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka ahna xubin katirsan ururka Ahlusunna ee gobolka Gedo Macalim Max'ed Daa'uud Cumar (Codweyne) oo u waramay shabakadda HOL ayaa ka warbixiyay halka uu marayo shirka maamul goboleedka Jubbaland ee ka socda Kismaayo.

Masuulkan ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay ay socotay xulista ergadii 500 ahayd ee ka qeybqaadan lahayd doorashada madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland, wuxuuna xusay in howshaasi ay tahay gabo gabo.

"Mudooyinkii u danbeeyay waxaa socotay soo xulidda ergada sedexda gobol, tii gobolka Gedo waa la dhameystiray, ergadii gobollada J/hoose iyo J/dhexena waa gabo gabo, dhawaanna waxaa toos u bilaaban doonto dhameystirka qeybaha yar ee ka harsan shirka," ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shacabka ku dhaqan Jubooyinka ay ka go'antahay dhismaha dowlad goboleedka Jubbaland, isagoona intaa ku daray in dhamaan ugaasyada, nabadoona iyo aqoonyahannada beelaha dega Jubooyinka ay ku dhanyihiin shirka.

Masuulkan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay taageerto dhismaha dowlad goboleedka, isagoona xusay in dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in ay ilaaliso dastuurka Federaalka gaar ahaan qodobada ka hadlaya maamullada gobollada.

"Dowladda waa dowladeenii, madaxweeynaha waa madaxweeyneheenii, ra'isul wasaarahana sidoo kale, shacabka dowladda kama maarmo, dowladuna shacabka kama maaranto, waxaana ugu baaqayaa in ay taageerto rabitaanka shacabka Jubooyinka," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Madaxweeynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max'uud ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in dowladiisu aysan taageersanayn shirka ka soconayo Kismaayo ee la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo sedexda gobol ee la isku yiraahdo Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.