4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2013
Ciidamada Dowladda oo Magaalada Baydhabo ku Kufsaday Haweeenay Uur lahayd iyo Wariyeyaal kasoo goostay Al-shabaab

Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Macallin Axmed (Biikole) ayaa wareysi uu siiyay Radio Baydhabo ku sheegay in haweeney leh uur lix bilood ah ay kufsadeen ciidamada dowlada Somalia ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Xasan Biikole ayaa intaas ku daray in ciidamadaas ay ku kacayeen falal liddi ku ah ammaanka; sidaas daraadeed uu maamulku ku qaaday weerar looga saarayo magaalada ciidamadaas falalka xun ku kacaya, Waayo buu yiri ma ah kuwo loo adkeysan karo dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka.

Guddoomiyaha Baydhabo mar uu ka hadlayay haweeneyda la kufsaday ayuu sheegay in ciidan tiro badan ay kufsadeen, taasina ay keentay inay gabadha kasoo dhacaan ilmihii uurkeeda ku jiray oo lix bilood ahaa.

“Xaaladda caafimaad ee gabadhan aad ayay u xun tahay waxayna u baahan tahay in gargaar deg-deg ah loo fidiyo,” ayuu yri Biikolo oo intaas raaciyay in tani ay qayb ka tahay dhibaatooyin lagu hayo haweenka ku nool gobolka Bay, kuwaasoo ay geysanayaan ciidamada dowladda.

Taliyaha booliska gobalka Bay, Mahad Cabdiraxmaan ayaa isagana waxuu warbaahinta u sheegay inay gaarayaan haweenka la kufsaday lix haween ah, kuwaasoo ay si bareer ah u kufsadeen ciidamada dowladda ee ka imaanaya furumaha dagaalka, kuwaasoo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dadka ku nool Baydhabo.

Dhanka kale, laba wariye oo u shaqeyn jiray Al-shabaab ayaa maamulka gobolka Bay isku soo dhiibay shalay, kuwaasoo ka howlgeli jiray idaacad lagu magacaabo Al-Andulus waxayna wariyeyaashan lagu kala magacaabaa, Cabdikariin Jakarta iyo Aweys Cumar Cali oo ahaa weriyaal si wanaagsan looga yaqaan Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo