3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2013
Shirkadda Isgaarsiinta Telesom ee Somaliland oo ka Hadashay Fureyaal cusub oo lagu ku kordhiyey Shirkaddooda

Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa ka hadashay lambaro cusub oo ay ku soo kordhisay Teleefoonadda gacanta ka dib markii dadweynihi adeegsanayey dareen ka muujiyeen faro badnida numbarada iyo furaha cusub ee ay ku soo kordhiyeen.

Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa sheegtay sababta ay lambarada csub ugu dartay moobilada ay la jaanqaadayso horumarka isgaadhsiinta caalamka ku yimid, iyadoo arrintaasi ka hadlaysana waxay tidhi.“Shirkaddu muddadii ay jirtay waxa ay samaysay dedaalo badan oo keenay in ay isbeddesho nolosha bulshada, iyada oo keentay adeegyo teknoolajiyadadeed oo wax weyn ka beddelay kaabayaasha dhaqaalaha waddanka, nabadgelyada, horumarinta, tacliinta, caafimaadka, isku xidhka bulshada miyiga iyo magaalada iyo guud ahaan isku xidhka wadanka iyo caalamka.”

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu yiri: “Muddadii Telesom jirtay waxa ay soo kordhisay qalab casri ah, si ay u daboosho baahida macaamiisheeda iyo wadankaba; taasi oo keentay in sannadkii 2006 la ballaadhiyo furayaashii shirkaddu isticmaali jirtay oo lagu kordhiyay lambarka ‘4’ kana dhigtay toddoba god, halkii ay ka ahaayeen lix god. Qalab kasta oo shirkaddu ay keento iyo ballaadhinta shabakada shirkaddu waxay u baahan yihiin furayaal cusub oo noqonaya halbeegga ama ciwaan uu qalabkaasi ku shaqeynayo si uu ula jaanqaado nidaamka Caalamiga ah (International Telecommunication Union Recommendations). Si waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee ITU-ga, labadii sannadood ee u dambeeyay waxa qorshaha furayaashooda wax ku kordhiyay 11 wadan oo kala ah Mauritania, Swaziland, Sychelles, Georgia, Azerbaijan, Togo, Sint Maarten, South Sudan, Djibouti, Gabon, Sacuudi Carabiya.

Telesom Somaliland waxay ka mid noqonaysaa kuwaasi. Dhammaan isbeddelada ay shirkadda Telesom samaysay waa kuwo waafaqsan xeerarka Somaliland iyo oggolaanshaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, iyada oo sidoo kale, si dhow ula shaqeynaysa shirkadaha telefoonada Caalamiga ah ee wadamada adduunka ee ka tirsan ururka Caalamiga ah ee Shirkadaha Moobilada ee GSMA”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay waaxda xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda, iyadoo isbedelka ku yimid ka hadlaysana waxay tidhi “ Isbeddelkan u dambeeyay waxay shirkaddu si toos ah oggolaansho uga heshay Wasaaradda Boosaha & Isgaadhsiinta Somaliland. Iyada oo ay weli jirto in dhammaan Shirkadaha ka hawlgala Somaliland iyo Soomaaliya ay weli isticmaalaan furihii +252 ee guud, baadhitaan badan kadib iyo xidhiidh aanu la sameynay shirkadaha waaweyn ee telefoonada soo tebiya (carriers) waxa noo caddaatay in dhammaan furayaashii ka dambeeyay +252 la isticmaalay oo ay diwaagashadeen shirkadaha Isgaadhsiintu. Sidaas darteed, furaha keliya ee moobilka Telesom u bannanaaday waxa uu noqday 63.”

Si kastaba ha ahaatee, shalay ayey dadweynaha Somaliland ku waabariisteen isbedel ku dhacay mobiladdii iyo fureyaal cusub oo lagu kordhiyey taas oo keentay inay dad badan wax badan iska waydiiyaan, maadaama oo aanay u baran number ka kooban toban god, halka ay barigii hore ka ahaan jiray toddoba god, sidaa darteed, waxay arrintaasi keentay inay dood iyo xasaasiyad ku dhex abuurto dadweynaha macmiisha u ah oo la qabsan kari waayey numbaradan cusub, taas ayaa keentay inay shirkaduna ka hadasho waxa ku kalifay inay kordhiso numbaradeedda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
5/9/2013 12:31 PM EST
Khamiis, May 9, 2013 (HOL) - Amison ayaa maanta wadatashi la yeelatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London.

5/9/2013 11:07 AM EST
Khamiis, May 09, 2013(HOL) :- Afhayeenka gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka ahna xubin katirsan ururka Ahlusunna ee gobolka Gedo Macalim Max'ed Daa'uud Cumar (Codweyne) oo u waramay shabakadda HOL ayaa ka warbixiyay halka uu marayo shirka maamul goboleedka Jubbaland ee ka socda Kismaayo.

5/9/2013 10:38 AM EST
Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Macallin Axmed (Biikole) ayaa wareysi uu siiyay Radio Baydhabo ku sheegay in haweeney leh uur lix bilood ah ay kufsadeen ciidamada dowlada Somalia ee ku sugan magaalada Baydhabo.

5/9/2013 10:34 AM EST
Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumaddaSomalia oo maanta kulan ayaa kaga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin go’aannadii kasoo baxay shirkii London, hay’adda maareynta musoobiiyinka, shaqaalaha ajnabiga ah ee sida sharcidarrada ah dalka uga shaqeeya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Yemen.

5/9/2013 1:55 AM EST
Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan London ayaa u sheegay inay hakad galeen kaddib markii ay dowladda Soomaaliya iibsan wayday hub ay kula dagaalanto.

5/9/2013 1:37 AM EST
Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amesty International ayaa sheegtay in dalka Eritrea ay ku xiran yihiin 10,000 oo qof oo u xirxiran arrimo siyaasadeed, kuwaasoo muddo 20-sano ah xabsiga ku jira iyagoo aan la xukumin.

5/9/2013 12:59 AM EST
Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu la furo wadahadallo mucaaradka dalkiisa, iyadoo kooxaha mucaaradka ahina ay ka jawaabeen hadalka madaxweynaha.