4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 9 , 2013
Hay'addda Amnesty International oo sheegtay in Kumanaan qof ay ku xiran yihiin Xabsiyada Eritrea iyadoo aan la Xukumin


Khamiis, May 09, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amesty International ayaa sheegtay in dalka Eritrea ay ku xiran yihiin 10,000 oo qof oo u xirxiran arrimo siyaasadeed, kuwaasoo muddo 20-sano ah xabsiga ku jira iyagoo aan la xukumin.

Maxaabiistan ayay sheegtay hay’addu in intooda badan la xiray markii uu xukunka la wareegay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki  muddo ku dhow 20-sano, iyadoo sheegtay in maxaabiistaas ay cadaadis iyo jir-dil kala kulmaan xabsiyada.

Amnesty ayaa sheegtay in maxaabiista ku jira xabsiyada Eritrea ay ka mid yihiin suxufiyiin, dad lagu eedeeyay inay dowladda mucaaradeen, dad la sheegay inay haysteen diimo aan dalkaas ka diiwaan-gashanayn iyo kuwo isku dayay inay dalka ka baxsadaan si aan loogu darin ciidamada dalkaas.

Sidoo kale, hay’addu waxay warbixinteeda ku sheegtay in maxaabiistaan aan xaaladooda faahfaahin laga siin qoysaskooda sidoo kaelna aysan ka warhayn qoysasku meel ay ku sugan yihiin dadka ka xirxiran.

“Dowladda Eritrea waxay isticmaashaa hab ah in dadka ay u aragto inay yihiin mucaarad la iska xiro iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, si mucaaradka oo dhan loo aamusiyo,” ayuu yiri Claire Beston oo ah bare Amnesty u qaabilsan dalka Eritrea.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Labaatankii sano ee kasoo wareegtay markii Eritrea ay xorriyaddeeda hesha waxay ahayd dalka ugu badan dunida ee lagu xirxiro dadka loo haysto arrimaha siyaasadda.”

Hay’addu waxay sheegtay in maxaabiista si xun loo jir-dilo lagu xiro xabsiyo kala duwan oo qaarkood ay dhulka hoostiisa ku yaallaan, iyadoo intaas ku dartay in maxaabiista loo xiro qaab loo yaqaan habkii helicopter-ka, kaasoo ah in wajiga dhulka loo dhigo lugana iyo gacmanaha la isku xiro ayna sidaas ahaadaan maalmo.

“Qolku waa laba mitir iyo bar illaa saddex mitir, waxaan ahayn 33 qof, qolku wuxuu ahaa mid aad u kulul, dariishadihiisu xiran yihiin, baaxaddiisu waa laba mitir, heer kulkiisuna waa 50 digrii,” ayuu yiri ruux ka mid ahaa dadkii siyaasad ahaanta loo xiray oo Amnesty la hadlay.

Maxbuuskan hore ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yiri: “Wiil 17-jir ah ayaa ku dhintay xabsiga intii aanu dhiman ayaan isku daynay inaan badbaado u helo, awood uma lahayn inaan hadalno, balse waxaan billownay inaan albaabka garaacno, waardiyihii xabsiga ayaa noo sheegeen inay dhammaanteen na dili doonaan haddii aanan joojin garaaca, ma aanan garanayn hab kale oo aan ku caawinno.”

Hay’adda Amnestir ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dowladda Eriteria inay maxaabiista xirxiran horgeyso maxkamad loona xukumo si sharci ah, haddii kale lasii daayo. Balse Xukuumadda Asmara kama aysan hadlin warbixinta ay soo saartay ha’yadda xuquuqda aadanaha ee Amnesty.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya