4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Somaliland oo soo dhaweynsay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii London ee looga Hadlayay Horumarinta Somalia


Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa soo dhaweeyay go’aannadii kasoo baxay shirkii London lagu qabtay shalay oo Salaaso ahayd kaasoo looga hadlayay horumarinta Soomaaliya iyo sidii beesha caalamku ay isku garab-taagi lahayd Soomaaliya si dib loogu soo celiyo sharciga iyo kala-dambeynta.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay soo dhaweeyay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii London, isagoo sheegay in shirkaas ay taageersan yihiin, balse go’aannadii kasoo baxay aysan ahayn kuwo quseeya Somaliland.

“Waxaan rajeeyneynaa in lagu guuleysto dhamaan go’aannadii kasoo baxay shirka. Innagu mar walba waxaan jecelnahay in Soomaaliya ay hagaagto oo ay noqoto meel ay nabadi ka jirto,” ayuu yiri wasiirka oo BBC-da qaybteeda afka Soomaaliga la hadlayay kaddib markii shirka lasoo gabagabeeyay.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in iyagu qodob ka mid ah kuwii kasoo baxay shirka ay soo dhaweynayaan, kaasoo ka hadlayay wadahadalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Somaliland ku dhexmaray dalka Turkiga.

“Innagu sidaan horayba u sheegtay qodobbada kasoo baxay shirkan waxay gaar u yihiin Soomaaliyaoo nabadgalyo xumo ay ka jirto, duniduna ay gacan ku siiso sidii ay uga bixi lahayeen dhibaatada. Marka go’aannadii shirkaas ka soo baxay ma ahan kuwo quseeya Somaliland, balse waxaan quuddarreynaynaa in dhaqaalaha faraha badan ee lagu deeqay ay Somaliland qaybteeda ka hasho, sida uu dhigayo shirkii lagu gaaray Ankara bishii hore," ayuu mar kale yiri wasiirka arriaha dibadd ee Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa horay u qaadacay ka qaybgalka shirka London ee loo qabanayay Soomaaliya, iyadoo sheegtay inuu yahay mid aanay dani ugu jirin, waxaase shirkaas uu ahaa mid yahoob dhaqaale loogu ururinayay Soomaaliya.

Boqolaal milyan oo doollarka Mareykanka ayaa lagu yaboohay shirkii shalay ka dhacay London, iyadoo beesha caalamka ay sheegtay inay Soomaaliya ka taageerayso saddex arrimood oo waaweyn, kuwaasoo kala ah, ammaanka, garsoorka iyo habeynta dhaqaalaha dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya