3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Wafdi ka socda Hay'ado Samafal oo Kulan ku yeeshay Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan wafdi ballaaran oo ka socday hay'addaha samafalka QM.

Xubnaha wafdiga maanta gaaray magaalada Baladweyne oo ka socday hay'adda WFP iyo UNOCHA ayaa kulan saacado badan qaatay la gallay mas'uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM oo ay isla soo qaadeen arrimo la xiriiray samafalka iyo barnaamijyada hormarineed oo ay hay'addahu doonayaan in ay ka fulliyaan guud ahaa gobollka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo markii uu soo dhamaaday kulanka la hadllay HOL waxaa uu sheegay in xubnaha UN-ka isla soo qaadeen qodobo dhowr ah oo salka ku hayay warbixin dhameystirin oo horay maamulku ugu gudbiyay hay'addaha samafalka.

''Runtii xubnaha ka socday hay'addaha samafalka ee aan is aragnay waxaa si saraaxaad leh uga wada hadallnay baahiyaha dhabta ah ee ka jira gobollka, gaar ahaan dhinaca samafalka iyo waliba barnaamijyada lagu hormarinayo adeegyada bulshada, horay ayaan warbixin ugu gudbinay, kulankan maantana waxaa uu ku soo beegmay iyaga oo xog-ogaal ah oo wax badan ka og baahiyaha ka jira gobollka,'' ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.



Arrimaha sida gaarka ah uu maamulku diirada u saaray ayuu ku sheegay guddoomiyaha gargaarka loo fidinayo dadka dhibaateysan iyo dib u soo nooleynta adeegyadii bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan kaabayaasha muhiimka u ah bulshada, isaga oo sheegay in maamulku xoogga saarayo arrimaha dib u dhiska.

''Annaga warbixinta aan horay ugu gudbinay hay'addaha samafalka waxaa ay aheyd mid salka ku heysa dhamaan baahiyaha jira, runtiina aad ayeey ugu riyaaqeen, iyaga oo inoo sheegay in isbadal lagu sameeyay howlihii hay'addaha samafalka, sidaa daraadeed wax badan ka qaban doonaan arrimaha gargaarka iyo hormarinta sida dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada,'' ayuu sheegay guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Sidoo kale, wafdiga ka socday hay'addaha samafalka ee maanta gaaray magaalada Baladweyne ayaa qorsheynaya in ay wax badan ka qabtaan fatahaada inta badan magaalada uu ka geysto wabiga shabeelle oo dhibaato xoog leh ay kala kulmaan kumanaan qoysas ah.

Sida ugu dhaqsiyaha badan ayeey sheegeen in ay uga howlgali doonaan magaalada Baladweyne, iyaga oo uga mahad celiyay maamulka cusub ee gobollka Hiiraan dadaalka ballaaran oo ay u galleen wax ka qabashada amaanka magaalada oo maalmo kooban isbadal weyn ku yimid.

Waa kulankii ugu horeeyay oo dhaxmara mas'uuliyiinta dhawaan loo soo magacaabay gobollka iyo xubno ka socday hay'addaha samafalka QM, waxaana ugu danbeytii leysku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga howlgalo qodobadii laga wada hadlay.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
5/6/2013 9:37 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyey xilliga ay ku egtahay soo gudbinta musharrixiinta ururada siyaasadda uga qayb geli doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee soo socda.

5/6/2013 9:03 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Dowladda Qatar ayaa si adag u cambaareysay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ay Al-shababa kula beegsatay Muqdisho samafalayaal dalkeeda u dhashay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay wakaaladda wararka Qatar.

5/6/2013 8:43 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Waxaa dhawaanaha gobolka Bakool ka socday dagaal ay ciidamada dowlada kula jireen xoogaga Al-shabaab, kuwaasoo ay ku qabsadeen tuulooyinka kala ah: Garas-weyne, kulan-jareer, Ceel-garas iyo Gubate, iyagoo deegaannadasa isaga baxayay markii saacado joogaan.

5/6/2013 8:30 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada London ee xarunta dalka Britain, halkaasoo uu maalinta berri ah ka furmayo shir loo qabanayo Soomaaliya, si yabooh dhaqaale loogu ururiyo.

5/6/2013 8:13 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa dib u xiray jidadka waaweyn ee Muqdisho, maalin kaddib markii uu isgoyska KM-4 ka dhacay weerar ismiidaaminta ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

5/6/2013 8:08 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso laga soo dejiyey sagaal maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo horay maxkamad ku taalla dalka Seychelles ay ugu xukuntay falal lala xiriira burcad-badeednimo.

5/6/2013 3:23 AM EST
Isniin, May 06, 2013(HOL) :- Dagaalyahanno katirsan xarakada Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar qorsheeysan ku qaaday deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose, iyadoona weerarkaasi uu ahaa mid ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

5/6/2013 1:40 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Barnaamijkan loo bixiyey FAGAARAHA oo ah mid soo socday bilihii ugu dambeeyey, kana billowday gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, ayaa lagu jeex-jeexaa mowduucii xiligaasi bulshada dhex-deeda saameyn muuqata ku leh, iyadoo la isku weydiiyo su’aalo badan, si loo curiyo jawaabo caqli-gal ah oo dawo u noqon-kara mushkiladda laga hadlayo, waxaana tododobaadkaan qeybtaan oo ahayd tiisi afraad lagu gorfeeyey nidaamka federalism-ka iyo sida Soomaaliya uu uga dhaqan-geli karo.

5/6/2013 12:28 AM EST
Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraxa Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa dhaleeceeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay fal argagaxiso oo lagu gumaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.