4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
Ciidamada Dowlada Somalia oo saddex Haween ah ku Kufsaday Deegaanka Gubate oo ka Tirsan Gobolka Bakool

Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Waxaa dhawaanaha gobolka Bakool ka socday dagaal ay ciidamada dowlada kula jireen xoogaga Al-shabaab, kuwaasoo ay ku qabsadeen tuulooyinka kala ah: Garas-weyne, kulan-jareer, Ceel-garas iyo Gubate, iyagoo deegaannadasa isaga baxayay markii saacado joogaan.

Ciidamada dowaldda ayaa la sheeagy inay deegaannadaas ka geysan jireen dhac iyo burburuin loo geysanayo hantida shirkadaha halkaas ka howgala oo ay ka mid tahay shirkadda Hormuud iyo hantida dadweynaha.

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidammo ka tirsan kuwa dowaldda Soomaaliya waxay weerareen tuulo la yiraahdo Gubate oo ay joogeen xoogag ka tirsan  Al-shabaab, waxaana ka dhacay dagaal geystay khasaare khasaare nafeed iyo mid maalmiyadeed; iyadoo lasoo sheegayo in la kufsadey sadex haween ah oo deegaankaas ku noolaa.

Wararku waxay sheegayaan in haweenkaas ay kufsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ee gobolkaas ku sugan, iyadoo xaaladda caafimaad ee haweenka la kufsadayna ay tahay mid aad khatar u ah.

Haweenkan ayaa la sheegay inay kufsadeen rag aad u fara badan oo ciidan ah sida laga soo xigtay mid ka mid ah ciidamada deegaankaas oo magaciisa lagu sheegay Ma-Nuur Mad-keerow.

“Saddexda haweenka ah xaaladdooda caafimaad aad ayay u xun tahay, way adag tahay sidii lagu soo gaarsiin lahaa goobaha caafimaad, waayo six un ayay u dhiig-baxeen kufsiga kaddib,” ayuu yiri Mad-Keeroow oo warbixin ka bixinayay xaaladda haweenka la kufsaday.

Dhanka kale, ciidamada dowladda waxay maanta tageen deegaan la yiraahdo Bulo-barako oo Baydhabo u jirto 45-km; iyadoo aan Al-shabaab kala kulmin wax iska-caabin ah; iyadoo lasoo sheegayo in ciidammo aad u badan ay ku socdaan deeganno magaalada Baydhabo ka xiga dhinaca Koonfureed.

Hiiraan Online, Baydhabo