4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2013
Dood ku Saabsan Nidaamka Federaalka ee Somalia oo Lagu Qabtay Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka (SAWIRRO)


Isniin, May 06, 2013 (HOL) — Barnaamijkan loo bixiyey FAGAARAHA oo ah mid soo socday bilihii ugu dambeeyey, kana billowday gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, ayaa lagu  jeex-jeexaa mowduucii xiligaasi bulshada dhex-deeda  saameyn muuqata ku leh, iyadoo la isku weydiiyo su’aalo badan, si loo curiyo jawaabo caqli-gal ah oo dawo u noqon-kara mushkiladda laga hadlayo, waxaana tododobaadkaan qeybtaan oo ahayd tiisi afraad lagu gorfeeyey nidaamka federalism-ka iyo sida Soomaaliya uu uga dhaqan-geli karo.

Mowduucaan la falaqeynayey  ee Federaal-ka oo ah mid dood-badan dhaliyey tan iyo markii Soomaalidu qaadatay, ayaa si la iskula qeexo, islamarkaana loo wada-fahmo habka ama nuuca federaal ee xiligan Soomaaliya ku haboon waxaa barnaamijkan uu marti-geliyey aqoonyahanno Soomaaliyeed oo wax ka dhiga jaamicado ku yaala dalka Mareykanka, si weynna looga yaqaanno Soomaalida dhexdeeda, kuwaasi oo kala ah:-

  1. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo wax ka dhigga kuleej (College) ku yaala gobolka Minnesota, islamarkaana doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliya isku sharaxay xilka madaxweynimo.
  2. Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, oo wax ka dhiga jaamicadda gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, marna noqday wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare xukuumaddii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waliba
  3. Dr. Hodan Saciid, oo iyadduna wax ka dhigta jaamicadda Buffalo ee  gobolka New york.


Bidix: Dr. Hodan Ciise, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar


Aqoonyahannadaan ayaa ku intii dood-doodu socotay siyaabo kala duwan uga hadlay nidaamka federalism-ka, walow ay ku kala aragti duwaaneeyaan, nuuca federaal ee Soomaaliya xiligaan ku haboon, sida looga dhaqan-gelin karo iyo halka ay tahay in laga abbaaro.

Dr. Hodan Ciise, oo ugu horreyntii madasha ka hadashay ayaa sheegtay in xalka ugu wanaagsan ee Soomaali lagu maamuli-karo xiligaan ay tahay dhaqan-gelinta federaal-ka, hase ahaatee ay haboon tahay in si wanaagsan loo wada-fahmo nuuca federaal ee la qaadanayo.

“Anigu waxaan aragti ahaan aaminsanahay in federaal-ku uu yahay mid Soomaalida xiligaan u wanaagsan..Sababtoo ah Soomaali waay soo aragtay waxaa ay tahay dowlad leh awood dhexe oo hal meel laga maamulo…Federaal-kuse sidiiba waa mas’uuliyaddii iyo awooddiiba oo la qeybsanayo,” ayey tiri Hodan Saciid. Iyadoo intaasi ku dartay in mushkiladda taagan ee keentay is-qab-qabsiga fara ha badan ay tahay in aan Soomaalidu fursad wanaagsan siin in ay si dhab ah u fahmaan waxa uu yahay federaalka iyo sida la isugu maamulo.

Wasiirkii hore ee waxbarashada  iyo tacliinta sare ee dowladdii ku-meer-gaarka ahayd Dr: Cabdinuur Sheekh Maxamed, ayaa dhankiisa aaminsan  in qaadashada federaalka iyo is-maamulka ay ka horreyso in Soomaalidu ay si dhab ah u heshiiyaan, islamarkaana ay wada-hadlaan.

“Soomaalidu waa dad yar oo walaalo ah, laakiin waa la soo kala dhexgalay, waxayse u baahan yihiin in ay heshiiyaan,” ayuu yiri.

Waxaa uu intaasi ku daray in qaadashada federaal-ka aysan ahayn tillaabo xun, hase ahaatee loo baahan in shacabka Soomaalidu ka fekeraan habka ay isku maamulayaan, iyo sida ay u qeybsanayaan awoodda, isagoo carabka ku adkeeyey in ay loo baahan yahay helitaanka dowlad dhexe oo xoogan, taasi oo difaacda danaha Soomaalida, “marka la fiiriyo mandiqada (Qaarad) ay Soomaalidu ku taalo iyo wadamada dariska la ah intaba.”

Ugu dambeyn, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii aqoonyahannada ahaa ee dood-daan ka qeybgelayey, islamarkaana muddo dheer wax ka qorayey Soomaaliya, xaaladeedana si gaar ah ula socday, ayaa si weyn u saluugay nidaamka federalism-ka ee Soomaalidu qaadatay, isagoo ku dhaliilay in uu yahay mid sii fur-furaya dalka Soomaaliya, islamarkaana horseedaya qeybsanaan iyo kala go’hor leh.

Waxaa u sheegay in uu rumaysan yahay federaal Soomaaliya ka hana qaada uu gundhig u yahay in ugu horreyn ay dib u midoobaan labadii horseedka ka ahaa xorriyada iyo qaran-weynaha Soomaaliya ee koonfurta iyo waqooyiga, si taasi guul looga gaarana loo baahan yahay in la xoojiyo wada-hadallada hada socda, si loo turxaan bixiyo dhibaatadii dhacday.

“Waxaan dareensanahay in federaalkaan uu dhibaato weyn ku u yahay midnimada Soomaaliya iyo wada-jirka ummadda, haddiisa ay lama huraan noqoto in lagu dhaqmo, waxaa loo baahan yahay in la sameeyo daraasad dhabta ah, oo ku qotonta sida loo maareynayo..Haddii kale faraha ayey ka baxaysaa oo waxaa loo kala jajabayaa gobol-gobol iyo deegaan-deegaan, mana la xakeynkaro..Markii iigu dambeysay 30-meeyo maamul-goboleed ayey sii marayeen,” ayuu yiri Pro: Axmed Ismaaciil Samatar.


Sadiq Warfaa: Isku-dubaridaha kulanka FARGAARAHA


Soomaaliya oo aad moodo 20 sanno oo burbur ah in ay ka soo kabsanayso, kaddib markii la doortay dowladdii ugu horreysay oo lagu soo dhisay gudaha dalka Soomaaliya, ayaa shaqooyinka iyo caqabadaha dowladdaasi cusub horyaala ee loo baahan yahay in ay wax ka qabato waxaa ka mid ah: hirgelinta nidaamka federalism-ka iyo soo dhisitaanka is-maamuladdii ka mid noqon lahaa, hase ahaatee doodaha ceynkaan ah ayaa gacan ka geysankara wada-hadal dhab ah oo Soomaalida dhexmara iyo talo siinta dowladda cusub.

Akhristeyaal: Si aad uga bogataan dhawaan ayaan idiin soo gudbin-doonnaa barnaamijkaan doodda ah, isagoo muuqaal ah oo dhammeystiran.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota