4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Xarunta Macluumaadka ka Hortagga Burcad-badeedda Soomaaliya (SAPIC) oo laga furey Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Xarunta macluumaadka ka hortagga burcad-badeedda Soomaaliyeed oo laga furay maanta magaalada Muqdisho ayaa kulan looga dhawaaqay oo ay ka qeyb-galeen qaybaha bulshada, culimmmada Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan baaralamaanka, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo wakiillo caalami ah waxay kusoo bandhigtay daraasad ay sameysay.

Kulankan oo ka dhacay hoteelka Jaziira ee Muqdisho ayaa waxaa hadal ku furay guddoomiyaha xarunta SAPIC, C/llaahi Xirsi isagoo sheegay in dhibaatada dhaqan-dhaqaale ee ay burcadbadeeddu ku hayaan dalka ay u baahan tahay in looga hortago laguna suuliyo dadaal wadareed ka yimaada bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la dhageysanayo isla markaana lala shaqeynayo dadka deegaanka. Taasoo horseedi doonto in burcad-badeedda hubka laga dhigo lana siiyo xuquuqdooda.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimmada Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in falalka burcadbadeednimadu ay yihiin kuwo xaaraan ah marka loo fiiriyo diinta Islaamka, maadaama ay kooxaha howshaas ku jira geysanayaan afduub, dil, dhac hantiyeed iyo sharaftii oo ay dhaawaceen. Wuxuu sidoo kale sheegay in burcad-badeeddu xukunkoodu uu la mid yahay burcadda berriga, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay dhallinyarada ka waaniyaan ficilkaas foosha xun.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga ahna guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise oo madasha ka hadlay ayaa isna sheegay in burcad-badeedda sida looga hortagi karo ay sal u tahay in la dhiso ciidamada badda Soomaaliya loona helo dhaqaale, taasoo ka wax-tar badanaan doonta howlgalka ay lacagta badani ku baxdo ee ay NATO hadda ka waddo biyaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ka qeyb-galayaasha kulanka uga jawaabay su’aalo ku saabsan qaabka ay dowladdu ama bulshada Soomaaliyeed uga shaqeyn karaan in biyaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo aan lagu arag burcadbadeed Soomaali ah.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo horay ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka ayaa isaguna ka hadlay kulanka isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in la helo bulsho abaabulan iyo dowlad shaqeysa si loo gaaro hadafka ah in la dhameeyo burcadbadeednimada isagoo bogaadiyay dadaallada ay wadaan hay’adaha maxaliga ah oo kaashanaya dowladda iyo caalamka intiisa kale.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, C/shakuur Cali Mire oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay shaqada ay hayso xarunta SAPIC isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay burcad-badeedda u arkaan inay la mid yihiin sunta lagu shubayo badda Soomaaliya, wuxuu intaa raaciyay in loo baahan yahay in wacyi-galinta la gaarsiiyo gobollada dalka gaar ahaan kuwa saldhigyada ay ku leeyihiin burcadbadeeddu, taasoo ay dowladdu gacan ka geysan doonto iyadoo isticmaaleysa warbaahinta dowladda.

“Waxaa muhiim ah sidii dadka deegaanka ay falalku ka dhacaan fariinta loo gaarsiin lahaa, taasna dowladdu gacan ayay ka geysanaysaa iyadoo isticmaaleysa Radio Muqdisho oo la geynayo gobollada iyo SNTV” ayuu yiri wasiir ku xigeenku.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya