4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Wacyi-gelintii Dr. Cabdirashiid Shire ee ku saabsanayd Cudurrada Beerka ku dhaca oo gaartay dalka Sweden (SAWIRRO)


Sabti, May 4, 2013(HOL)—Waxaa shalay lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, gaar ahaan guriga ummadda (Folket hus) ee xaafadda Rinkeby muxaadaro qiimo badnayd oo looga hadlayay cuduurrada iyo dhibaatooyinka ku dhaca beerka, waxaana muxaadaradaas soo jeedinayay Dr. Abdirashiid M. Shire oo ku takhasusay cuduradda faafa kana shaqeeya isbitaalka Mayo Clinic oo ku yaal magaalada Rochester ee gobolka Minnesota (USA), isla markaana mashruuca cilmibaaristiisa ay khusayso cudurrada ku dhaca beerka.

 

Kulanka oo ahaa mid ka duwan shirarka ama kullamada ay qurbo joogtu isugu timaado, kaasoo looga hadlayay dhibaatooyinka iyo caqabadaha keena cudurrada ku dhaca beerka, gaar ahaan kuwa keena kansarka ku dhaca beerka oo ay ugu wacan yihiin labada infekshan ee  ay keenaan hepatitits B virus iyo hepatitis C virus. Waxaa hadalkii soo dhaweynta iyo mid hordhac ah ku furay Bare Sare Faarax Maxamuud Qaasim (Faarax Dacas) iyo Dr. Khalif Bile, wuxayna xuseen in mujtamaca Soomaaliyeed u baahan yihiin wax badan oo aan la soo koobi karin, caafimaadkuna uu yahay muhiimmadda ugu horraysa.

 

Dr. Shire oo aad uga warramay macluumaadka uu xanbaarsan yahay beerka iyo cudurradiisa ayaa sheegay inaysan ku filnayn muxaadaro saacad iyo wax la mid ah la soo jeediyo, laakiin ay muhiimaddu ay tahay in bulshada Soomaaliyeed meel kasta ha joogtee ay ku dadaalaan caafimaadka, oo haddii aan caafimaad jirin aadanuhu halis ku jiro jiritaankiisa.

 


Cudurku wuxuu ka mid yahay cadowyadii soo jireenka ahaa ee dalkeena ku habsaday mid ka mid ah, sidaa darteed waa in aad looga faa’idaystaa laguna dhaqmaa aqoonta iyo waayo aragnimada laga helo nolosha. Dr. Shire wuxuu ku booriyay dadka in fursadahan iyo kuwo la mid ah looga faa’iideysto aqoonta laga helo iyo baraarug cilmiyeed iyo mid caafimaadba la yeesho.

 

Muxaadaradu oo ay ahayd mid qiimi badanayd iyo wacyi gelin ku wajahnayd cudurrada beerka. Dr. Shire wuxuu si gaara ah u adkeeyaty in la iska baaro labada infekshan (caabuq) oo ay keenaan labada virus ee hepatitis B iyo hepatitis C, in dadka uusan ku dhicin hepatitis B ay ka faa’idaysataan talaalkiisa iyo dadka laga helo labada infekshan ay heli karaan daawooyin iyo dhakhaatiir ku takhasustay cudurradaas. Dr. Shire wuxuu si gaar ah u dhiiri geliyay in da’ yarta lagu caawiyo laguna dhiiri geliyo inay wax fiican bartaan si baahida bulshada u qabaan aqoonyahan soomaaliyeed u soo buuxshaan una kabaan.

 

Dr. Shire oo muddooyinkii u dambeeyay qaylo dhaan caafimaad iyo wargelin dheeraad ah ka bixinayay maagoolooyinka Rochester, Minnesota, Saint Paul, San Diego, Virginia, Amsterdam iyo Stockholm, ayaa waxuu aad u iftiimiyay cudurrada beerka iyo dullinka keena, kuwaasoo ah labada virus ee hepatitits B virus iyo hepatitis C virus.

 


Gebagebadii shirku waxa uu noqday mid la isku waydaarsadey su’aalo, jawaabo iyo afkaar qiimo badan, isla markaana waxaa lagu kala qaatay xog iyo xiriir dambe, dadweynihii ka soo qayb galay kulankaas oo runtii aad ugu ammaanay nuxurkii shirka.

 

Dr. Shire wuxuu ahaa bare wax ka dhiga Kulliyaddii Waxbarashada Lafoole, haatanna wuxuu u wareegay dhanka caafimaadka, aqoontiisa dhanka caafimaadka wuxuu ku soo qaatay London School of Hygiene and Tropical Medicine, University of London.



 

 

Yaasiin Karaani

[email protected]

Stockholm, Sweden