4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Waxgarad kasoo jeeda Gobolka Gedo oo ka soo Hor-jeestay shirka ka socda Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose

Sabti, 04 May, 2013(HOL) :- Shir ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah beelaha dega gobolka Gedo islamarkaana ka dhacay magaalada Luuq ee gobolkaasi ayaa waxa looga soo horjeestay shirka maamul u sameynta Jubooyinka eek a socdo Kismaayo.

Shirkan oo socday mudo laba maalmood ah islamarkaana uu shir gudoominayay Ugaaska Beesha Sade Ugaas Max’ed Ugaas Xasan yarrow ayaa waxa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay saxiixeen dhamaan xubnihii shirka kasoo qeybgalay.

Qodobadii kasoo baxay shirka oo nuqul kamid ah soo gaaray Shabakadda HOL ayaa waxa ay u qornaayeen sidatay:-

  • Waxaan si buuxda u cadeeyneynaa in beelaha dega gobolka Gedo aysan wax ergo ah u dirsan shirka ka soconayo magaalada Kismaayo islamarahaantaana waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneeynaa in ay soo kala dhexgasho kooxaha isku heysta Kismaayo.
  • Waxaan ku baaqeynaa shiweeyne lagu qaban doono gobolka Gedo, kaasoo ay kasoo qeybgali doonaan dhamaan qeybaha bulshada gobollada Jubooyinka iyo jaaliyadaha dibadda.
  • Waxaan shirkan ku taageereynaa qorshaha dowladda federaalka ee maamul u sameynta gobollada dalka.
  • Waxaan isku afgarannay in la qabto guddi qabanqaabo oo u gogolxaaro shirweeynaha lagu qaban doono gobolka.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa saxiixay waxgaradkii iyo siyaasiyiinta shirka kasoo qeybgashay, waxaan wixii faahfaahin ah oo ku saabsan kulankan lagala xiriiri karaan masuuliyiinta cinwaannadooda ay hoos ku xusanyihiin.

1.      Gudoomiyaha gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil: Tell: +252615811798

2.      Col: Xasan Daahir Yaroow: Tell: +252615812778

3.      Ibraahim Aadan Cabdi: Tell: +252618929546

Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya