4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2013
Dowladda Puntland oo ka Hadashay Mowiqfkeeda ku Aaddan Shirka London ka furmaya Toddobaadka soo socda

Jimco, May 03, 2013 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan shirka London ee toddobaadka soo socda ka furmaya magaalada London ee xarunta dalka Brirtain, kaasoo dhaqaale loogu raadinayo Soomaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay soo dhaweynayso shir kasta oo wax loogu qabanayo Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u tahay inay ka qaadato xaslinta dalka.

“Puntland waxay taageersaa wax walba oo nabadda, midnimada iyo Qarannimadii Soomaaliyeed dib loogu soo celinayo, hase ahaatee kama qayb-galayso shirka London,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.

Inkastoo Puntland aan lagu casuumin shirka London haddana waxaa maalmo ka hor booqasho ku tagay Garoowe madaxweynaha Somalia, Xasn Sheekh si uu ugala hadlo madaxda Puntland inay wafdi uga qaybgala shirka soo xulaan balse waxaas kasoo horjeestay madaxweynaha Puntland. C/raxmaan Faroole.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay inay doonayeen in shirkaas lagu casuumo iyagoo ah maamul-goboleed ka jira Soomaaliya, balse aysan taasi dhicin iyaguna ay go’aansadeen inay diidaan ka qaybgalka shirka.

“Puntland kama qayb geli doonto shirka London, wax ergo ahina shirkaas uma tegi doonto. Puntland waxay qoraal ku aadan mowqifka ay ka taagan tahay arimaha Soomaaliya u gudbin doontaa shirka labaad ee London” War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri.

Warsaxaafadeedka ay soo saartay Puntland ayaa waxay ku sheegtay inay ku wargelinayso madaxda Britain inay eegaan xaqiiqada Soomaaliya ka jirta iyo baahida loo qabo dhismaha maamul goboleedyo sida ku xusan dastuurka ay ku dhaqmayso Soomaaliya, iyagoo sheegay inay walaac ka muujinayso wax ka badalka dastuurka Soomaaliya ee horay loo ansixiya.

Madaxweynaha dowladda Somalia oo ah ilaaliyaha dastuurka, guddoomiyaha barlamaanka iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaah Somalia waxaan ugu yeeraynaa inay furaan baaritaan ballaaran oo shacabka loogu faah-faainayo dastuurka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay Puntland soo saartay.

Shirka London oo ay si wadajir ah u guddoominayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron ayaa waxaa looga hadli doonaan sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka iyo soo celinta ammaanka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya