4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2013
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo Switzerland kaga Qayb-galaya Shirka St. Gallen Symposium (SAWIRRO)


Jimco, May 03, 2013 (HOL) — Kal-fadhigii 43-aad ee St. Gallen Symposium ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada St. Gallen ee dalka Switzerland, waxanaa kulankan kasoo qaybgalay siyaasiin caan ah iyo qubaro magic-weyn ku leh caalamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka mid ahaa dadkii lagu casuumay kulankaas. Wuxuuna ka hadlay mowduuc loogu magic-daray "Courageous Citizenship".

Duqa Muqdisho, Tarsan ayaa warbixin dheer ka bixiyay xaaladda magaalada Muqdisho iyo dhibaatooyinkii ay soo martay, mudaddii ay colaadu socdeen, isagoo xusay in maanta ay caasimaddu tahay mid nabdoon uuna ka socdo dib u dhis xooggan.

Sidoo kale, waxaa kulankaas ka qaybgalay madaxweynaha Switzerland, Ueli Maurer, ra'iisul wasaare ku-xigeenka Turkiga Ali Babacan, madaxa hay'adda lacagta adduunka (IMF), Christine Lagarde, madaxa sharikadda Zurich Insurance Group, Dr. Josef Ackermann iyo xubno kale oo caalami ah.

Kulankaan ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo maanta oo Jimca.



Mustaf Bashir Gobdon, Hiiraan Online
Zürich, Switzerland