Xildhibaannadii Mooshinka ka Geeyay Xukuumadda Soomaaliya oo Qaar ka mid ah ay sheegeen inay ka laabteen Mooshinkaas
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay
xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ka laabteen go’aankaas, iyagoo
xusay inay u tanaasuleen danta dalka, dadka iyo diinta Islaamka oo ay u
dhaarteen inay ilaalinayaan.
Mudanayaashan oo saxaafadda kula hadlay
Muqdisho ayaa sheegay inay ka baqeen in xukuumadda hadda jirta mid ka xun ay
timaaddo, sidaa awgeedna ay go’aansadeen inay dib uga laabtaan go’aankooda.
“Dib uga laabashada go’aankeennu ma ahan
in xildhibaanada baarlamaanku aysan xaq u lahayn inay mooshin ka keeni karaan
xukuumadda, balse waxaa inoo muuqday in tani ay keeni karto in howlaha dowladdu
ay dib u dhac geli karaan,” ayuu yiri xildhibaan Sooyaan Cabdi Warsame oo ka
mid ahaa xildhibaannadii ku dhawaaqay inay ka laabteen go’aankoodii mooshinka.
Xildhibaannada ka laabtay go’aankoodii ay
kaga mid noqdeen mooshinka laga geeyay xukuumadda ayaa waxaa ka mid ah:
xlidihbaan Maxamed Cabdi Yuusuf, xildhibaanad Qadiijo Maxamed Diiriye iyo
xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
“Baarlamaanku xaq ayuu u leeyahay inuu
xukuumadda la xisaabtamo, balse taasi macnaheedu ma ahan in la burburiyo wax
walba, waxaan nahay xubno dadaal ugu jira dib u dhiska dalkooda iyo
nabadeyntiisa, waana taas midda keentay inaan go’aankeennii ka laabanno,” ayuu
yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.
Mudanayaashii goobta ka hadlay ayaa
dhammaantood sheegay inay dhaliil iyo cabasho kaga timdi shacabka Soomaaliyeed
taasna ay qayb weyn ka tahay sababta keentay inay dib uga laabtaan go’aankoodii
ay kaga midka ahaayeen mooshinka.
“Waxyaabaha dib u dhaca dalka horseeday
waxaa ka mid ah khilaafyada joogtada ah iyo is-hortaag lagu sameeyo xukuumad
walba oo waxqabad la timaadda, sidaa daraadeed xilligan looma baahna in mooshin
laga keeno xukuumadda maadama ay tahay mid ka duwan xukuumadihii dalka soo
maray oo wax-qabad la timid,” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo kulanka
ka hadlay.
Mooshinka laga geeyay ra’iisul wasaaraha
Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ayaa waxaa saxiixay xildhibaanno ka badan 129, kuwaasoo
xukuumadda ku eedeeyay wax-qabad la’aan iyo inay kasoo bixi waday howlihii loo
idmaday.
Maxamed Xaaji Xuseen. Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya