4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2013
Taliyeyaal cusub oo loo Magacaabay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Hay’adda Nabadsugidda Qaranka

Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho ayaa meel-mariyay magacaabidda taliyeyaasha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay, Jen. C/kariin Siciid Daahir (Saacid) iyadoo taliyaha ha’yadda Nabadsugidda Qaranka loo magacaabay, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Shirka golaha wasiirrada ee lagu ansixiyay magaabista labadan mas’uul ayaa waxaa shir-guddoomiye ka ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaailya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo wasiirraddu ay ku ogolaadeen xubnaha cod aqlabiyad ah.

Jen. Bashiir Goobbe oo loo magacabay taliyaha hay’adda nabadsugidda ayaa ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, halka taliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya uu ahaa taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka booliiska xilligii dowladdii KMG ahayd.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in magacaabista labadan mas'uul ay u arkaan kuwo ku haboon howlaha sugidda ammaanka dalka, wuxuuna ku boorriyay inay kasoo baxaan howlaha loo idmaday maadaama ay horay u ahaayeen saraakiil ka tirsanaa booliiska Soomaaliya.

Labadan mas’uul ayaa uga baahan meel-marin baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta aysan billaabin howlahooda shaqo, waxaana magacaabiddooda ay kusoo beegmaysaa xilli ay magaalada Muqdisho ka jiraan howgallo amniga lagu adkeynayo.

Meel-marinta magacaabistan Magacaabistan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo golaha wasiirrada ay sidoo kale isla toddobaadkan ansixiyeen magacaabista garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya, kasaoo loo magacaabay, Dr. Cismaan Cilmi Guuleed (Biikolo), inkastoo aanu weli baarlamaanku ogolaan.

Taliyihii hay’adda nabadsugidda Qaranka, Axmed Macallin Fiqi ayaa bil ka hor xilka iska casilay, isagoo sheegay inuu doonayo inuu qabsado howlo isaga u gaar ah, halka taliyaha ciidamada booliiska, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya xilka laga qaaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya