4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2013
Waddooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Maalintii Saddexaad Xiran iyo Al-shabaab oo ka Hadashay Xirnaashahaas


Wadada Maka Mukarama, Moqdisho


Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa maalintii saddexaad xiran; iyadoo Al-shabaab ay xirnaashahaas ku tilmaantay mid lagu curyaaminayo shacabka ku nool caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan jidadka waaweyn ee Muqdisho, iyadoo celinaya gaadiidka, balse dadka ayaa waxay jidadkaas u marayaan si teel-teel ah, iyadoo aan la ogeyn sababta ay waddooyinku weli u xiran yihiin.

“Waddooyinka Muqdisho ee la xiray waa kuwo dadka shacabka ah lagu curyaaminayo, waxayna ku andacoonayaan in Al-shabaab ay soo qaadi doonto weerarro ay ugu aargudayaan Macallin Aadan Xaashi Cayroow, taasna waa been aanay waxba ka jirin, waayo Islaamku maalin gaar ah oo uu aargudasho u calaameeyay ma jirto,” ayuu yiri afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in dorraad markii ay howgallada lagu xiray waddooyinka billowdeen inay heleen farriimo ku saabsan in Al-shabaab ay doonayso niay falal argagaxiso ka geysato caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, taasna ay tahay sababta keentay in la xiro waddooyinka.

Xirnaashaha jidadka ayaa waxay saaameyn xooggan ku yeesheen ganacsiga iyo waxbarashada, iyadoo goobaha qaarkood ay u muuqdaan kuwo muddo dheer laga guuray ganacsiguna uu xiran yahay maalintii labaad.

“Cid kusoo galaysa ma jirto, sidaa daraadeed go’aansanay inaan maqaahida iska xirno, waayo xirtaa alaabaha aad dibadda ka keensanayno kuuma soo geli karaan halkan,” ayuu yiri Faarax Muuse oo ka mid ah ganacsatada ku leh goobaha laga cunteeyo jidka weyn ee Maka Al-Mukarama.

Inkastoo aan la ogeyn howlagalladan inta casho ee ay socon doonaan ayaa haddana wararka la helayo waxay sheegayaan inay socon doonaan dhowr maalmood ee soo socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya