4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Bandow lagu soo rogay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe kaasoo lagu adkeynayo Ammaanka
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu soo rogay bandow billaabanaya 5:00 gallabnimo kaasoo soconaya illaa aroorta hore ee maalinta xigta, waxaana bandowgan lagu sheegay inuu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka degmada.

Bandowgan ayaa si rasmi ah xalay u dhaqangalay, waxaana saraakiisha degmada ay sheegeen in bandowgan uu socon doono inta laga xaqiijinayo ammaanka degmada.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jowhar ayaa u sheegay HOL in xalay ay xaafadaha degmada gaar-wareegayeen ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaasoo xaqiijinayay ammaanka.

"Tani waa qayb ka mid ah qorshe uu maamulku ugu talogalay inuu ku adkeeyo ammaanka degmada iyo deegaannada ku dhow-dhow, waana socon doonaa badowgan in ujeeddada laga leeyahay la gaarayo," ayuu yiri sarkaal u hadlay maamulka degmada.

Degmada Jowhar oo ka mid ah degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen sannadkii hore xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay bambooyin lagu weerarayo xarumaha dowladda ee degmadaas ku yaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya