4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2013
Dagaal Ciidamada Dowladda Somalia, AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab ku Dhexmaray Duleedka Degmada Baydhabo

Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Dagaal muddo koobban socday ayaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo 30-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, dagaaalkaas oo ay Al-shabaab ku soo qaadday fariisimo ay deegaankaas ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Iskahorimaadkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa waxay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo la sheegay inay halkaas ku dhinteen saddex qof oo shacab ah ayna ku dhaawacmeen sagaal qof oo u badan shacab.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kasoo gaaray  dagaalkii xalay dhacay, iyadoo dadka deegaanka ay HOL u sheegeen inay dhinteen saddex qof dhaawacyo fara badanna ay jiraan.

Goof-guduud Shabeeloow ayaa waxay ka mid tahay saldhigyadii ay dhawaan ciidamada Itoobiya ku wareejiyeen kuwa AMISOM iyo dowladda Soomaaliya iyadoo dagaalkii xalay ugu horreeyay noociisa oo ay Al-shabaab ay kusoo qaaddo deegaankaas tan iyo markii ka baxeen ciidamadii Itoobiyaa.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shalay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Deynuunay oo qaar ka tirsan ciidamada dowladda ay isbaaro u taallay, laakiin ma suuro-gelin inay isbaaraadaas meesha ka qaadaan, kaddib markii ay ciidamadu diideen inay isbaaradaas qaadaan.

Ciidamada ay isbaaradu u taallay ayaa waxay ahaayeen kuwo gadoodsan oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku kacayay falal burcadnimo ah, iyadoo ay sii wateen ciidamadaas isbaaradooda.

Hiiraan Online, Baydhabo