4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2013
Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Somalia iyo Dad Rayid ah oo ku dhintay Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Muqdisho

Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia iyo laba qof oo rayid ah ayaa xalay ku dhintay xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, kaddib shaqaaqooyin is-daba socday oo xaafaddaas ka dhacay.

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo wax ka iibsanayay dukaan ku yaalla xaafaddaas, taasoo keentay in ciidamada dowladdu ay markiiba howgallo ka billaabaan goobaha ku dhow halkii uu dilku ka dhacay.

“Dilka askariga wuxuu ka dhacay dukaan ku yaalla laamiga dheer ee dhex-mara degmada, kooxihii geystayna way baxsadeen. Ciidamadu waxay durba billaabeen howlgallo ay ku raadinayaan kooxihii dilka geystay, laakiinse bam ayaa lagu soo weeraray ciidamaduna rasaas ayay fureen,” ayuu yiri C/llaahi Xuseen oo ah taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Huriwaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in haweeney iyo ruux rag ah ay ku dhinteen rasaastii ay fureen ciidamada dowladda laba kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo sarkaalka u hadlay ciidamada dowladda uu sheegay inuu jiray nin ay ciidamadu dhaawaceen, kaddib markii uu diiday in gurigiisa la baaro.

Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa illaa saakay waxaa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah, iyadoo ciidammo fara badan ay ku sugan yihiin laamiga dheer iyo hareerihiisa, kuwaasoo la sheegay inay baaritaanno ku jiraan.

Degmada Huriwaa ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay inta badan ka dhacaan falalka ammaan-darro ee ay geysanayaan xoogagga taabacsan Al-shabaab, waxaana xaafadda Suuqa Xoolaha ka dhacay dhowr jeer oo hore dilal loo geystay askar tirsan ciidamada dowladda.

Shaqaaqadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo weli ay waddooyinka Muqdisho u xiran yihiin sababo dhinaca ammaanka ah, iyadoo madaxda dowladdu ay sheegeen inay ka go’an tahay sugidda ammaanka caasimadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya