4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo maanta booqday shirkad Kalluumeysi isagoo ka hadlay Kalluumeysiga Sharci-darrada ah (SAWIRRO)


Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Madaxweyne Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo ku beegan maalinta shaqaalaha adduunka wuxuu booqday shirkad kaluumeysi oo xarunteedu tahay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, isagoo sheegay in kalluumeysigii sharci-darrada ahaa ee xeebaha Soomaaliya uu sii yaraanayo.

Xasan Sheekh ayaa waxaa xartunta shirkadda kusoo dhaweeyay madaxda shirkadda, waxaana wasiirka la socday wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed; iyagoo warbixin ka dhageystay milkiilayaasha shirkadda iyo shaqaalaha qaarkood.

Wasiirka kheyraadka dalka, C/risaaq Cumar oo goobta ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay dalallka shirkadan ay u iib-geyso kaluunka wuxuuna xusay in dhammaan dalalka dariska ah ay kalluunka geyso, isagoo ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay dalkooda khayraadka kala soo baxaan.

Madaxweynha oo isaguna hadal ka jeediyay goobta ayaa tilmaamay in dadka Soomaliyeed ay taariikh u leeyihiin kalluunka  muddo fogna ay kasoo saaran jireen badda; wuxuuna sidoo kale sheegay in bilowgii xoriyadda Soomaaliya ay lahayd shirkaddo waa-weyn oo ka shaqeeya kalluunka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa  soo hadal-qaaday maraakiibta sida  sharci-darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, isagoo xusay inay sii yaraanayaan, wuxuuna kuwa weli ku howlan uga digay inay fallakaas sii wadaan.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka loo shaqeeyo inay xaq-dhowraan xuquuqda shaqaalaha, ayna wanaajiyaan goobaha ay ku shaqeynayaan, wuxuuna ugu baaqay inay bixiyaan xuquuqda qofka u shaqeeya uu ku leeyahay.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya