4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Cambaareeya Dilkii u xigeenkii Garyaqaanka guud ee Dowladda Somalia

Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa cambaareeyay dilkii ku xigeenkii garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya, Axmed Sheekh Nuur Macallin, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay weerarrada ka dhacaya Muqdisho ee lagu beegsanayo sharci-yaqaannada Soomaaliyeed.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay dilka marxuumkan iyadoo sheegay inuu billow u yahay qorshayaal ay ku ugaarsanayaan dadka u shaqeeya maxakamdaha dalka, kuwaasoo ay ku tilmaantay kuwo doonaya inay wax ku xukumaan wax aan diinta Islaamka ahayn.

“Aad ayuu uga murugooday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dilkii ku xigeenkii garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warbixin uu saxaafadda u akhriyay afhayeenka Ban Ki-Moon.

Sidoo kale, xoghayaha guud ayaa sheegay in dambiyadan aysan hor joogsan doonin dadaallada lagu xoojinayo sharciyada Soomaaliya oo ay dowladda Soomaaliya waddo.

Ku-xigeenkii garyaqaanka guud ayaa la dilay Khamiistii lasoo dhaafay oo ay bishii Abriil ku beegnayd 26-ka, waxaana toogtay laba dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaaddii cishaha.

Ban Ki-Moon ayaa tacsi u diray ehellada qoyskii uu ka geeriyooday Nuur oo lagu aasay Muqdisho, isagoo sheegay in Qarammada Midoobay ay dowlada Soomaaliya ka taageerayso sidii loo xaqiijin lahaa amamanka guud ee dalka iyo tan caasimadda.

Horraantii bishii hore, Sharmsul Bari oo ah khabiir madaxbannaan oo UN-ka u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa ku boorriyay caalamka inay ka qaybqaataan dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha cadaaladda Somalia.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa hadalkiisa kusoo beegay xilli ay dowladaha Mareykanka iyo kuwa Midowga Yurub si adag u cambaareeyeen dilkii loo geystay ku xigeenkii garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya