4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo khudbado ka jeediyay Jaamacado ku yaalla dalka Mareykanka (SAWIRRO)


Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa socdaal ku maraya qaar ka tirsan magaalooyinka waa-weyn ee dalka Mareykanka, isagoo khudbado ka jeediyay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, West Virginia iyo North Carolina, wuxuuna khudbadaha ka jeediyay jaamacado ku yaalla gobollada uu maray, wuxuuna sidoo kale la qaatay kulamo mas’uuliyiin ay ku jiraan qaar xilal hore kasoo qabtay dalka Mareykanka iyo Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinkaasi.

Shariif Sheekh waxaa socdaalkiisa ku wehliyay danjire Charles R. Smith oo ah madaxa machadka African Presidential Center ee jaamacada Boston iyo William Twayigize oo ka mid ah shaqaalaha jaamacad Boston sidoo kalena waxaa la socda Cumar Shariif oo ah kaaliyihiisa.

Khudbaddii ugu horreysay ayuu Shariif ka jeediyay machadka Morehouse Collage oo ku yaalla magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, khudbadda oo afka Ingiriiska uu ku jeediyay cinwaankeeduna ahaa Somali iyo Mustaqbalkeeda (Somalia and it's future) ayuu uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dalka. Machadkan ayaa ayaa lagu xasuustaa hal-gamaagii waynaa ee arrimaha xuquuqda insaanka gaar ahaan dadka madow ee Mareykanka, Martin Luther King.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay mas'uuliyiinta kala duwan oo ay ku jireen xubno horay jagooyin uga soo qabtay dowladihii kala duwanaa ee soo maray Mareykanka oo uu ka mid yahay; danjire Andrew Young oo ahaa danijrihii Qaramada Midoobay  u qaabilsanaa Mareykan xilligii madaxwayine Jimmy Carter, sidoo kale wuxuu ahaa duqa magaalada Atlanta 1982-kii illaa 1990-kii.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa khudbed ka jeediyay jaamacadda Elizabeth City State University (ECSU) oo ku taalla gobolka North Carolina, taasoo uu uga hadlay waxbrashada Afrika; gaar ahaan waxbrashada Somalia, iyadoo jaamacaddu ay guddoonsiisay haddiyado kuna amaantay marxaladdii  adkaa ee uu kasoo saaray Soomaailya isagoo ku guuleystay inuu dalkiisa ka saaro marxaladdii KMG ahayd ee muddada dheer uu kusoo jiray iyo doorashadii dimoqoraaddiga ahayd ee dalka Soomaaliya ka dhacday sanadkii hore.

Dhaka kale, Shariif Sheekh wuxuu la kulmay Soomaalida ee ku nool Boston iyo Atlanta, isagoo ku boorriya inay kaalin ku yeeshaan dib u dhiska iyo nabadeynta dalka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa bisha Jannaayo ee sanadkan tagay dalka Mareykanka, isagoo aqoon-kororsi ka billaabay jaamacadda Boston, sidoo kale wuxuu cilmi-baaris ku sameynayaa arrimaha ammaanka, waxbarashada iyo dimoqoraadiyadda Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tusaale u noqday dimoqoraadiyadda Qaaradda Afrika; kaddib markii uu xilka ka dagay sannadkii hore kaddib markii looga guuleystay doorashadii madaxweynenimo ee ka dhacday Muqdisho kaddib muddo 42-sano ah.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya