4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Dowladaha Britain iyo Imaaraadka Carabta oo Malaayiin Doollar ku Bixinaya ka hortagayo kufsiga Haweenka Soomaaliyeed


Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Dowladaha Britain iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay bixinayaan lacag gaaraysa laba milyan oo doollar si looga hortago kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed, iyadoo hadalkan lagu sheegay warbixin kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Britain.

Warbixinta ayaa lagu xusay in dalka walba uu bixinayo hal milyan oo doollar sida ay sheegeen xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, William Hague iyo wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Sheekh Cabdalla Bin Zayid Al-Nahyan.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Birtain ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen inay bixiyaan kaddib markii uu booqasho ku tagay Britain madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Khaliifa Bin Zayd Al-Nahyan.

Deeqdan lacageed ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo wax looga qabanayo kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed oo intooda badan lagu eedeeyo inay geystaan ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kooxo kale oo hubeysan.

Shirka Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London 07-da bishan May ayaa la sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee looga doodayo uu noqon doono kufsiga haweenka, iyadoo rajo ka muujisay in dambiga kufsiga gabi ahaan la joojiyo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u sheegtay inay ka go’an tahay ka hortagto kufsiga haweenka oo ah dambi aad u fool-xun ayna cadaaladda horkeeno kuwa geysta, iyadoo sidoo kalena dowladda ay ka go’an tahay inay horumariso nolosha haweenka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagtan ay ka caainayso dowladda Soomaaliya, tababaridda ciidamada, awoodda oo la dhiso iyo talooyin ay kasoo bixiyaan koox Qaramada Midoobay ka socda oo booqanaya Soomaaliya dhamaadka sannadkan habka ugu habboon ee looga hortagayo kufsiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya