3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Uhuru Kenyatta oo ku Guuleysatay Doorashadii Madaxnimada ee dalka Kenya iyo Tirintii codadka oo lasoo Gabagabeeyay


Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha isbahaysiga Jubilee ee dalka Kenya, isla marakana ahaa ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumaddii hore, Uhuru Muigai Kenyatta ayaa u muuqda inuu ku guuleystay doorshada madaxnimo ee dalka Kenya, kaddib markii helay codadkii loo baahnaa.

Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa lagu wadaa inay 11:00 barqonimo ee xilliga Afrikada Bari ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan natiijada doorashada, iyadoo la filayo inay markaas kaddib dabaal-dagyo ka dhacaan guud ahaan dalka Kenya.

Tirinta codadka doorashada oo xalay lasoo gabgabeeyay ayaa Uhuru wuxuu ka helay 6,173,433 cod, taasoo noqonaysa 50.03% oo ah codadkii looga bahaa murashaxa xilka madaxnimo ku guuleysanaya, halka Raila Odinga oo tartan xooggan ay ku jireen uu helay 5,340,546.

Kenyatta ayaa ku guuleysatay 25% codadkii laga dhiibtay 24 deegaan oo ka mid ah kuwii doorashooyinka dalka Kenya ay ka dhacayeen, iyadoo taasi ay baajinayso in wareeg kale oo doorasho ah la galo.

Doorashada madaxnimo ee Kenya oo dhacday Isniintii lasoo dhaafay ayaa tan iyo xilligaas waxaa lagu wareersanaa tirinta codadka, iyadoo guddigu ay sheegeen inay dadaal dheer u galeen sidii doorashadu ay u noqon lahaayeen kuwo lagu kalsoonaado.

Uhuru ayaa noqonaya madaxweynihii afaraad ee dalka Kenya, iyadoo Kenya ay horay madaxweynayaal uga soo noqdeen Aabbihiis Jomo Kenyatta, Daniel Arab Moi iyo Mwai Kibaki oo ah madaxweynaha xilka banneeyay hadda.

Madaxweynaha cusub ee Kenya waa 52-jir dhashay sannadkii 1961-kii, laba sano ka hor intii aysan Kenya xorriyadda ka qaadan gumeystihii Ingiriiska, isagoo noqonaya madaxweynihii ugu da'da yaraa ee Kenya soo mara, wuxuuna wax kusoo bartay dalka Mareykanka, isagoo muddo dheer kusoo jiray siyaasadda dalka Kenya.

Isbahaysiga uu hoggaaminayo Raila Odinga ee CORD ayaa horay u sheegay in codadka lagu shubanayo, inkastoo taas ay beeniyeen guddiga doorashada lamana oga go’aanka ay qaadan doonaan markii doorashada si rasmi ah loogu dhawaaqo.

Uhuru iyo ku xigeenkiisa Willian Rutu ayaa waxay dacwad bani’aadamnimo kaga furan tahay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, iyagoo ku eedeysan inay ka dambeeyeen rabshado dalka ka dhacay sannadkii 2007 oo lagu murmay doorashadii Kenya iyadoo rabshadahaas ay ku dhinteen in ka badan kun qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/9/2013 12:05 PM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay guushii uu madaxweynaha cusub ee Kenay, Uhuru Kenyatta ka gaaray doorashadii madaxnimo ee dalkaas, waxayna ballanqaaday inay xoojin doonto wadashaqeynta kala dhexeysa Kenya.

3/9/2013 11:53 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir saakay aroortii hore laba qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

3/9/2013 11:07 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wefdi ballaaran oo uu horkacayey ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

3/9/2013 8:08 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ciidamadii Soomaaliya ee dhawaan qatay degmada Ufurow ee gobolka Bay ayaa dib u soo laabtay Baydhabo, kaddib markay ku sugnaayeen labo maalmood, waxaa kaloo magaalada Baydhabo soo buux-dhaafiyey ciidamadii ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Berdaale, Qansax-dheere iyo deegaanka Goof-gaduud Shabeelow.

3/9/2013 7:58 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta loo qaybiyay nuqullada dastuurka dalka kaasoo dib u eegis lagu sameynayo, iyadoo kulanka uu khudbad dheer ka jeediyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo sheegay in baarlamaanku uu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo danta shacabka.

3/9/2013 7:13 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in aanay jirin khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo mas’uuliyiintaas, kaddib shir jaraa’id oo mas’uuliyiinta ay ku qabteen magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

3/9/2013 6:55 AM EST
Sabti, March 09, 2013 (HOL) - Gudoomiyaha gudiga doorashada Dalka Kenya ayaa si rasmi ah, daqiiqado ka hor ugu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii Kenya, Uhuru Kenyatta oo noqonaya madaxweynihii afraad.

3/9/2013 6:53 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Munasaabad lagu xusayay sannadguuradii 10-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Jaamacadda Banaadir ayaa shalay oo Jimco ahayd lagu qabtay hoteelka Safari ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabaddaas ay kasoo muuqdeen ku dhowaad 100 arday oo xilligan ka qelin-jebisay kuliyadaha ay ka kooban tahay Jaamacaddaas.

3/9/2013 5:30 AM EST
Sabti, March 09, 2013(HOL):Munaasabad lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, iyadoo munaasabaddanna ay ka qeybgaleen xildhibaanno iyo wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3/9/2013 4:51 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) —Waxaa shalay gelinkii danbe garoonka caalamiga ah ee waamo Stadium ee magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay tartan kubadda cagta ah oo kooxaha Zera A-da ee magaalada Kismaayo, kaasoo lagu dhiirigelinayay nabadda iyo isdhaxgalka Bulshada.

3/9/2013 3:07 AM EST
Sabti, March 09, 2013 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo ay u muuqato in looga guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Kenya ayaa diidan inuu qirto arrinkaas xilli la tiriyay dhammaan codadkii la dhiibtay.

3/9/2013 1:36 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Sanad kasta 08-da bisha Maarso oo ku beegneyd maalintii shalay waxaa ay ku asteysan tahay maalinta haweenka aduunka, waxaana meelo badan oo caalam-ka ka tirsan looga dabaal-dagaa xuska maalinta haweenka.

3/9/2013 1:25 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo booqashadan ay noqonayso tii ugu horreysy oo mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku aado Puntland.

3/9/2013 12:54 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Fartuun Cabdisalaam Xaaji Aadan oo ah madaxa hay’adda Elman ayaa ka mid noqotay sagaal haween ah oo dowladda Mareykanka ay ku abaalmarisay shalay oo Jimco ahayd doorka ay ka qaateen ilaalinta xuquuqda haweenka iyo caruurta.