4/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shaaciyay in dib u eegis lagu sameyn doono Dastuurka Dalka


Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ku sheegay in xildhibaannada baarlamaanka ay si rasmi ah u daah-furayaan maalinta berri ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, kaasoo ay horay si KMG ah ugu ansixiyeen ergo lasoo xulay.

Furitaanka kulankan dib loogu eegayo dastuurka dalka ayaa lagu casuumay dhammaan guddiyadii madaxa-bannaanaa kuwaasoo marti ku noqon doona madasha, isla markaana xildhibaannada kala qeybgali doona kulanka oo si rasmi ah u bilaaban doona 9:00 aroornimo barri oo Sabti ah.

“Dib u eegista uu golaha shacabku ku sameynayo dastuurka dalka waa mid inoogu fadhida muhiimad weyn; waayo qaybihii kala duwanaa ee shacabka Soomaaliyeed oo aynu la kulannay intii uu xirnaa kal-fadhigii koobaad ee baarlamaanka talooyinkii ugu badnaa ee ay soo jeediyeen waxaa ugu muhiimsanaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan dib u eegis ugu sameyno dastuurka dalka; haddaba inagoo fulineyna codsigii shacabka ayaynu maalinnimada berri ah si rasmi ah u daah-furi doonnaa dib u eegista lagu sameynayo dastuurka,” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ku yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn Prof. Jawaari wuxu ku boorriyay shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay si toos ah isha ugu hayaan qaabka ay u socdaan howlaha baarlamaanka, isla markaana aysan shacabku hada iyo goor ka leexan inay talooyinkooda sidan oo kale toos ugu soo gudbiyaan guddoonka baarlamaanka, iyagoo golaha shacabku uu had iyo goor u taagan yahay inuu sidan oo kale ugu shaqeeyo tallooyinka qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Dib u eegista lagu sameynayo dastuurka dalka ayaa waxay socon doontaa muddo aan la cayimin, waxaana muddadaas laga doonayaa dadweynaha in ay si joogto ah ula socdaan qoddobada uu baarlamaanku ka doodayo si ay uga soo dhiibtaan talooyinkooda; iyagoo sidoo kalena ay jiri doonaan kulammo dhex-mari doona guddoonka golaha shacabka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan; kuwaasoo aragtida iyo talooyinka shacabka lagu dhageysan doono.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/8/2013 2:12 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa maanta markii labaad laga dhoofiyo xoolo nool, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu xariga ka jaray mar kale dhoofint xoolaha nool ee dekedda Muqdisho.

3/8/2013 12:31 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimid sarifka lacagaha iyo qiime kororka maciishadda, isagoo ku sheegay arrintaas inay ku timid doollarka oo batay iyo shillinka oo yaraaday wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii arrintaasi xal kama dambeys ah loogu heli lahaa.

3/8/2013 12:08 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta lagu qabtay Degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellada dhexe, iyadoo haweenkii kulankaas ka qaybgalay ay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga soo horjeedaan dhibaatooyinka haweenka loo geysto.

3/8/2013 11:17 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Munasaabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta haweenka dunida ee 8-da Maarso oo maanta ku beegan ayaa lagu qabtay hoteelka Oriental ee magaalada Muqdisho, taasoo qabanqaabadeeda ay lahayd wasaarada horumarinta adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya

3/8/2013 10:52 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Nin la sheegay inuu maskaxdda ka xanuunsanayo ayaa saaka subaxii tooray qudha kaga jaray xaaskiisi iyo laba caruur ah oo uu dhalay, dhaawacna soo gaadhsiiyey naftiisa.

3/8/2013 10:51 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Ciidamadda Militariga iyo ciidamadda gaarka u tobabaran ee loo yaqaan (RRU), ayaa hawlgalo balaadhan oo lagu qabqabanayo maleeshiyo lagu tuhunsanyahay inay degaanka xariirad ka geysten falal ammaandarro, ayaa la sheegay inay ku soo qabqabteen ku dhawaad 12 xubnood oo isugu jira madax dhaqameed, xildhibaanno iyo maleesiyo beeleedyo kale.

3/8/2013 1:30 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Xaafadda isku raranka ah ee State House loo yaqaan ee magaaladda Hargeysa, ayaa shalay galab waxa ku gubtay guryo badan ka dib markii dab aan la garan waxa uu ka dhashay ka qarxay xaafadasi kaas oo geystay khasaare hantiyeed.

3/8/2013 1:14 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Jamhuuriyada Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay goyneyso dhammaan heshiisyadii kala dhaxeeyay dalka Kuuriyada Koonfureed, taasoo ay kaga jawaabayso cunno-qabateynta cusub ee Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay dalkaas oo muddo dheer go’doon ahaa.

3/8/2013 12:34 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaar ku xigeenkii dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa weli hoggaaminaya natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada dalka Kenya, iyadoo tirinta codadkuna ay weli ka socoto Bomas goobta loogu talogalay in doorashada lagu tiriyo.