4/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
Nin dilay Xaaskiisii iyo Caruur uu dhalay iyo dhakhaatiirta oo ku Mashquulsan sidii ay Naftiisa ku Badbaadin lahaayeen

Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Nin la sheegay inuu maskaxdda ka xanuunsanayo ayaa saaka subaxii tooray qudha kaga jaray xaaskiisi iyo laba caruur ah oo uu dhalay, dhaawacna soo gaadhsiiyey naftiisa.

Ninkan oo magaciisa la yidhaa Cabdiraxmaan Maxamed Axmed oo Deganaa xaafadda boqol jire ee galbeedka magaaladda Hargeysa, ayaa tooray meelo badan ka galiyey xaaskiisii oo uur sideed bilood lahayd iyo laba caruur ah oo uu dhalay iyo isaga laftiisii oo isna dhawr meelood iska galiyey oo ku jira xaalad caafimaad daro oo adag.

Maamulaha cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa Axmed Daahir Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkan oo dhaawac ah loo keenay, isla markaana sadex qof oo qoyskiisa ahna uu soo dilay.

“Runtii waa dhacdo aad u xanuun kulul oo laga naxo, waxa anaga saaka la noo keenay nin qudha ka jaray xaaskiisii oo leh uur sideed bilood ah iyo laba caruur ah oo uu dhalay oo midna afar jir yahay midna laba jir yahay, isaguna waa dhaawac oo dhawr meelood ayuu tooridda iska galiyey”ayuu yidhi Maamulaha cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa Axmed Daahir Axmed oo ka hadlayey dhacdadan murugadda leh.

Maamuluhu waxa uu sheegay in ninkani maskaxda ka xanuunsanayey dhawr jeer oo horana la geeyey meelo Cilaaj ah oo dadka lagu dabiiba, waxaanu intaas ku daray in aan la garayn sababta uu qoyskiisa u dilay, haseyeeshee dhakhaatiirta cisbitaalka ayaa la tacaalaya xaaladiisa caafimaad.

Cabdiraxmaan Maxamed oo da’diisa lagu sheegay 32 jir ayaa isagu dhaawac culus qaba, waxaanay dhakhaatiirku ku dadaalaysaa inay badbaadiyaan, isla markaana waxa lagula jiray qolka qaliinka degdega ah ee cisbitaalka.

Si kastaba ha ahaateen, dhacdadan ayaa ah uur ku taallo ah oo ku cusub guud ahaan Somaliland, taas oo dadweynuhu aad isku waydiinayeen falkan argagaxa dhaliyey ee ka dhacay magaaladda Hargeysa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
3/8/2013 2:12 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa maanta markii labaad laga dhoofiyo xoolo nool, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu xariga ka jaray mar kale dhoofint xoolaha nool ee dekedda Muqdisho.

3/8/2013 12:31 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimid sarifka lacagaha iyo qiime kororka maciishadda, isagoo ku sheegay arrintaas inay ku timid doollarka oo batay iyo shillinka oo yaraaday wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii arrintaasi xal kama dambeys ah loogu heli lahaa.

3/8/2013 12:08 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta lagu qabtay Degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellada dhexe, iyadoo haweenkii kulankaas ka qaybgalay ay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga soo horjeedaan dhibaatooyinka haweenka loo geysto.

3/8/2013 12:01 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ku sheegay in xildhibaannada baarlamaanka ay si rasmi ah u daah-furayaan maalinta berri ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, kaasoo ay horay si KMG ah ugu ansixiyeen ergo lasoo xulay.

3/8/2013 11:17 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Munasaabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta haweenka dunida ee 8-da Maarso oo maanta ku beegan ayaa lagu qabtay hoteelka Oriental ee magaalada Muqdisho, taasoo qabanqaabadeeda ay lahayd wasaarada horumarinta adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya

3/8/2013 10:51 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Ciidamadda Militariga iyo ciidamadda gaarka u tobabaran ee loo yaqaan (RRU), ayaa hawlgalo balaadhan oo lagu qabqabanayo maleeshiyo lagu tuhunsanyahay inay degaanka xariirad ka geysten falal ammaandarro, ayaa la sheegay inay ku soo qabqabteen ku dhawaad 12 xubnood oo isugu jira madax dhaqameed, xildhibaanno iyo maleesiyo beeleedyo kale.

3/8/2013 1:30 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Xaafadda isku raranka ah ee State House loo yaqaan ee magaaladda Hargeysa, ayaa shalay galab waxa ku gubtay guryo badan ka dib markii dab aan la garan waxa uu ka dhashay ka qarxay xaafadasi kaas oo geystay khasaare hantiyeed.

3/8/2013 1:14 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Jamhuuriyada Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay goyneyso dhammaan heshiisyadii kala dhaxeeyay dalka Kuuriyada Koonfureed, taasoo ay kaga jawaabayso cunno-qabateynta cusub ee Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay dalkaas oo muddo dheer go’doon ahaa.

3/8/2013 12:34 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaar ku xigeenkii dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa weli hoggaaminaya natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada dalka Kenya, iyadoo tirinta codadkuna ay weli ka socoto Bomas goobta loogu talogalay in doorashada lagu tiriyo.