4/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
Dab khasaare Hantiyadeed geystay oo qabsaday Xaafado isku raran ah oo ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Somaliland

Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Xaafadda isku raranka ah ee State House loo yaqaan ee magaaladda Hargeysa, ayaa shalay galab waxa ku gubtay guryo badan ka dib markii dab aan la garan waxa uu ka dhashay ka qarxay xaafadasi kaas oo geystay khasaare hantiyeed.

Dabkan oo ka qarxay dhinaca galbeedka ee xaafadan isku raranka ah oo ay degan yihiin dad danyar ah oo u badan qoysaaskii ka soo noqday xeryaha qaxootiga ee Itoobiya, waxanay guryahaasi ka kooban yihiin buulal ka kooban baco iyo maryo, taas oo u sahashay inuu dabku ku si siyaado xaafadan.

Qiiqa ka dhashay dabkaasi ayaa laga arkayey inta badan xaafadaha magaaladda Hargeysa, waxanay ololka iyo qiiqu isku shareeray cirka, waxaanay markii dambe usoo gurmaday dadweynaha xaafaasi iyo dambiska dawladda hoose, inkastoo dad ka cadhaysan gurmad la’aantaasi ay jajabiyeen baabuur horyaalay hoteel Sumartime oo waxyar u jira xaafadda uu dabku ka qarxay.

Xaafadan uu dabku ka dhashay oo guryo badani ku shub beeleen ayaa waxa usoo gurmaday ciidanka amniga kaas oo ilaa xalay ilaalinayey, waxa kale oo uu dabkani gaadhay guryo kale oo daaro ah, inkasto markii dambe laga gaadhay inuu dabkaasi fiddo.

Dabkan oo sababay khasaare balaadhan oo soo gaadhay dadka degan xaafadaasi ayaa wararka hor dhaca ah ee laga helayo waxay sheegayaan in dhibaato badani soo gaadhay dadka degan xaafadaasi, taas oo uu dabku saamayn balaadhan ku yeeshay guryihii ay daganaayeen oo khasaare soo gaadhay.

Si kastaba ha ahaatee, khasaaraha uu dabku geysto ayaa ku soo noqnoqda magaaldda Hargeysa, waxaanay inta badan lagu canaantaa in aanay lahayn dambis ku filan oo  markiiba soo gurman kara.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
rgeysa, Somaliland













Click here
3/8/2013 2:12 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa maanta markii labaad laga dhoofiyo xoolo nool, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu xariga ka jaray mar kale dhoofint xoolaha nool ee dekedda Muqdisho.

3/8/2013 12:31 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimid sarifka lacagaha iyo qiime kororka maciishadda, isagoo ku sheegay arrintaas inay ku timid doollarka oo batay iyo shillinka oo yaraaday wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii arrintaasi xal kama dambeys ah loogu heli lahaa.

3/8/2013 12:08 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta lagu qabtay Degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellada dhexe, iyadoo haweenkii kulankaas ka qaybgalay ay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga soo horjeedaan dhibaatooyinka haweenka loo geysto.

3/8/2013 12:01 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ku sheegay in xildhibaannada baarlamaanka ay si rasmi ah u daah-furayaan maalinta berri ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, kaasoo ay horay si KMG ah ugu ansixiyeen ergo lasoo xulay.

3/8/2013 11:17 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Munasaabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta haweenka dunida ee 8-da Maarso oo maanta ku beegan ayaa lagu qabtay hoteelka Oriental ee magaalada Muqdisho, taasoo qabanqaabadeeda ay lahayd wasaarada horumarinta adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya

3/8/2013 10:52 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Nin la sheegay inuu maskaxdda ka xanuunsanayo ayaa saaka subaxii tooray qudha kaga jaray xaaskiisi iyo laba caruur ah oo uu dhalay, dhaawacna soo gaadhsiiyey naftiisa.

3/8/2013 10:51 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Ciidamadda Militariga iyo ciidamadda gaarka u tobabaran ee loo yaqaan (RRU), ayaa hawlgalo balaadhan oo lagu qabqabanayo maleeshiyo lagu tuhunsanyahay inay degaanka xariirad ka geysten falal ammaandarro, ayaa la sheegay inay ku soo qabqabteen ku dhawaad 12 xubnood oo isugu jira madax dhaqameed, xildhibaanno iyo maleesiyo beeleedyo kale.

3/8/2013 1:14 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Jamhuuriyada Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay goyneyso dhammaan heshiisyadii kala dhaxeeyay dalka Kuuriyada Koonfureed, taasoo ay kaga jawaabayso cunno-qabateynta cusub ee Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay dalkaas oo muddo dheer go’doon ahaa.

3/8/2013 12:34 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaar ku xigeenkii dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa weli hoggaaminaya natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada dalka Kenya, iyadoo tirinta codadkuna ay weli ka socoto Bomas goobta loogu talogalay in doorashada lagu tiriyo.