4/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
Xukuumadda Waqooyiga Kuuriya oo ku Hanjabtay inay Gantaallo Nukliyeer ah ku weerarayso dalka Mareykanka


Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Jamhuuriyada Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay goyneyso dhammaan heshiisyadii kala dhaxeeyay dalka Kuuriyada Koonfureed, taasoo ay kaga jawaabayso cunno-qabateynta cusub ee Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay dalkaas oo muddo dheer go’doon ahaa.

Cunno-qabteynta lagu soo rogay Waqooyiga Kuuriya ayaa waxay salka ku haysa tijaabadii gantaalka Nukliyeerka ah ee ay bishii lasoo dhaafay sameysay, iyadoo dowladda Kuuriya ay si aad ah uga caroortay xayiraadda cusub ee lagu soo rogay.

Xukuumadda Pyongyan ayaa sidoo kale ku gooddisay inay hubka halista ah ee Nukliyeerka ay ku weerarayso dalka Mareykanka, iyadoo shacabka dalka Koonfurta Kuuriya ay iyaguna aad  uga walaacsan yihiin in taallbo taas la mid ah lagu soo qaado dalkooda.

Tani waa markii afraad oo cunno-qabateyn lagu soo rogo hubka nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi. Waxaana cunno-qabateyntan cusub ay noqonaysaa mid aad u taabata dalkaas, sida u sheegay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Susan Rice.

Qaraarkan Qaramada Midoobay ayaa wuxuu mamnuucayaa in la kala wareejiyo wax dhaqaale ama lacag ah oo wax loogu qabanayo hawlaha hubka ee xukuumadda Pyongyang.

Sidoo kale, wuxuu xayirayaa dadaal walba oo dalkaas wax loogu qabanayo, waxaana uu sii adkeynayaa tallaabooyinkii horey loogu soo rogay iyadoo ka dhigeysa mid la mid ah xannibaadaha Qaramada Midoobay ee saaran dalka Iraan.

Inay guuleysato cunno-qabateynta cusub waxay ku xiran tahay sida y u dhaqan-geliso dowladda Shiinaha oo ah xulafada ugu weyn ee ay heysato Kuuriyada Waqooyi iyo dalka ugu weyn ee dhaqaale ahaan ay isku xiran yihiin.

Dowladda Shiinuhu way taageertay cunno-qabateyntan ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay ay saartay Waqooyiga Kuuriya, sababtoo ah waxay aad uga careysneyd tijaabadii ugu dambeysay ee ay Pyongyang sameysay, balse waxay ka walaacsan tahay in deggenaansho la'aan lagu abuuro keli-taliyaha Pyongyang.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/8/2013 2:12 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa maanta markii labaad laga dhoofiyo xoolo nool, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu xariga ka jaray mar kale dhoofint xoolaha nool ee dekedda Muqdisho.

3/8/2013 12:31 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimid sarifka lacagaha iyo qiime kororka maciishadda, isagoo ku sheegay arrintaas inay ku timid doollarka oo batay iyo shillinka oo yaraaday wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii arrintaasi xal kama dambeys ah loogu heli lahaa.

3/8/2013 12:08 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta lagu qabtay Degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellada dhexe, iyadoo haweenkii kulankaas ka qaybgalay ay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga soo horjeedaan dhibaatooyinka haweenka loo geysto.

3/8/2013 12:01 PM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ku sheegay in xildhibaannada baarlamaanka ay si rasmi ah u daah-furayaan maalinta berri ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, kaasoo ay horay si KMG ah ugu ansixiyeen ergo lasoo xulay.

3/8/2013 11:17 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Munasaabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta haweenka dunida ee 8-da Maarso oo maanta ku beegan ayaa lagu qabtay hoteelka Oriental ee magaalada Muqdisho, taasoo qabanqaabadeeda ay lahayd wasaarada horumarinta adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya

3/8/2013 10:52 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Nin la sheegay inuu maskaxdda ka xanuunsanayo ayaa saaka subaxii tooray qudha kaga jaray xaaskiisi iyo laba caruur ah oo uu dhalay, dhaawacna soo gaadhsiiyey naftiisa.

3/8/2013 10:51 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Ciidamadda Militariga iyo ciidamadda gaarka u tobabaran ee loo yaqaan (RRU), ayaa hawlgalo balaadhan oo lagu qabqabanayo maleeshiyo lagu tuhunsanyahay inay degaanka xariirad ka geysten falal ammaandarro, ayaa la sheegay inay ku soo qabqabteen ku dhawaad 12 xubnood oo isugu jira madax dhaqameed, xildhibaanno iyo maleesiyo beeleedyo kale.

3/8/2013 1:30 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Xaafadda isku raranka ah ee State House loo yaqaan ee magaaladda Hargeysa, ayaa shalay galab waxa ku gubtay guryo badan ka dib markii dab aan la garan waxa uu ka dhashay ka qarxay xaafadasi kaas oo geystay khasaare hantiyeed.

3/8/2013 12:34 AM EST
Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaar ku xigeenkii dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa weli hoggaaminaya natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada dalka Kenya, iyadoo tirinta codadkuna ay weli ka socoto Bomas goobta loogu talogalay in doorashada lagu tiriyo.