4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Somaliland oo go’aankii Cunno-qabateynta Hubka looga qaaday Soomaaliya ku Tilmaantay mid aan si dhab ah looga fiirsan


Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay walaac ka qabto cunno-qabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, iyagoo wasiirka arrimaha dibadda ee maamulkas uu ku tilmaay go’aanka uu golaha ammaanka qaatay mid aan si wanaagsan looga fiirsan.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii shalay qafiifiyay in muddo hal sano ah la qafiifiyo cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya oo ah middii ugu dheerayd dunida, taasoo soo jirtay muddo 22-sano ah.

‘”Somaliland ahaan waxaan u aragnaa go’aankaas mid aan laga fakarin oo aan wakhtigeedi imaan. Waxayna dhibaato ku noqoonaysaa nabadda ka jirta Geeska Afrika,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo wareysi siinayay BBC-da.

Wasiirku wuxuu sheegay in maamulka dowladda Soomaaliya aanu ahayn mid dhaafsiisan magaalada Muqdisho oo keliya, isla markaana ay joogaan qaybaha kale ee  dalka ciidammo aan ka amarqaadan dowladda.

“Dowladda Soomaaliya waa dowlad cusub welina maamulkooda ma dhaafin halka ay joogto, ma jiro ciidan Soomaaliyeed oo dalka ammaanka dalka oo dhan gacanta ku haya. Jubbaland ,Puntland, Baydhabo iyo Somaliland qolo kasta ciidan u gaar ah bay leedahay, sidaa daraadeed go’aankan wuxuu u muuqdaa mid aan si wanaagsan looga fikirin,’’ ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mudane Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waa inay ku timaaddaa hab isku dheelitiran oo maamullada iyo gobollada dalku ay qayb ka yihiin, laakiin maamulka Muqdisho waa cusub yahay mana hanan intii kale ee gobollada.’’

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa imaanaya iyadoo ay Puntland dhawaan codsatay inaan cunno-qabateynta hubka Soomaaliya oo keliya aan laga qaasdin, balse laga qaado guud ahaan Soomaaliya.

Laakiinse, madaxda dowladda Soomaaliya oo cunno-qabteynta sida KMG ah loo qaaday ku tilmaantay inuu yahay mid wanaagsan, iyagoo sheegay inay mas’uuliyad gaar ah iska saari doonaan ilaalinta hubkaas, isla markaana uusan ahayn mid lagula dagaalamyo qolo gaar ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online,
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya