3/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wasiirkiisa Maaliyadda oo laga dalbaday inay Horyimaadaan Baarlamaanka Soomaaliya


Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirkiisa maaliyadda lacagta oo laga dalbaday inay horyimaadaan golaha baarlamaanka Soomaaliya si wax looga weydiiyo hoos u dhaca xoogga leh ee ku yimid doollarka, taasoo dhibaateyn ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Kulan ay xildhibaannadu yeesheen maanta ayay uga hadleen hoos u dhaca ku yimid sarifka doollarka, iyagoo sheegay in weli maciishadu ay meesheedii joogto halka doollarku uu dhulka ku dhacay, taasna ay tahay mid aan laga aamusi karin.

“Maadaama aan innagu mas’uul ka nahay shacabka Soomaaliyeed, waxaan codsanaynaa in ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka maaliyadda ay si dhaqso ah ku horyimaadaan baarlamaanka si wax looga weydiiyo arrintan iyo qorshaha dowladda ee ku aaddan dhibaatada ku habsatay shacabka,” ayuu yiri Xasan Abshir ka sheegay kulankii baarlamaanka.

Xildhibaan Xasan Abshir wuxuu hadalkiisa raaciyay in qoyskii loosoo diri jiray 100 illaa 200 oo doollar aysan ku filnayn wax ka badan toban maalmood, taasna ay tahay dhibaato weyn oo bulshada ku dhacday, wuxuuna sheegay in dowladda looga baahan yahay inay u istaagto sidii wax looga qaban lahaa maadaama ay iyagu matalaan shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cawad oo soo xiray kulanka baarlamaanka oo ay kasoo qaybgaleen 142 mudane ayaa wuxuu sheegay in ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka maaliyadda ay ogolaadaan inay baarlamaanka horyimaadaan si arrimahan wax looga weydiiyo.

Xukuumadda Soomaaiya ayaa bishii hore sheegtay inay u saartay arrintan guddiyo kasoo talo-bixiya, inkastoo tan iyo xilligaas uu hoos u dhaca sarifka aad u socday, isagoo maanta marayay 14,000 oo shillin halkii doollar halkii uu sannadkii hore ka ahaa 24,000 oo shillin.

Magaalada Muqdisho ayaa hoos u dhaca sarifku aad uga socdaa, iyadoo gobollada dalka qaarkooda uu qiimaha sarifku ka marayo halkii uu horay u joogay, lamana tallaabada ay arrintan ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/7/2013 12:26 PM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) —Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray maanta deegaanka Lafaale oo ka tirasn degmada Xudur ee gobolka Bakool kaddib ayaa waxay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda waxay madaxa dagaalyahan ka tirsan Al-shababa oo ay soo jareen geeyeen degmada Xudur.

3/7/2013 12:12 PM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay walaac ka qabto cunno-qabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, iyagoo wasiirka arrimaha dibadda ee maamulkas uu ku tilmaay go’aanka uu golaha ammaanka qaatay mid aan si wanaagsan looga fiirsan.

3/7/2013 11:13 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa galabta shir Jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga warbixiyay safarkii uu ku tagay degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya iyo cunno-qabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

3/7/2013 10:46 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ururka HIRDA ayaa maanta ku qabtay Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayay laguna xusayay maalinta haweenta adduunka ee 8-da Maarso oo sanad walba xiliyadan oo kale laga xuso Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale.

3/7/2013 10:20 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ayaa saakay 9:00 aroonimo la wareegay degmada Ufuroow ee gobolka Bay, halkaasoo ay ka talinaysay Al-shabaab sannadihii lasoo dhaafay.

3/7/2013 8:22 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Wasaaradda horumarinta arrimaha bulshada ee dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Jinsiga ee AMISOM ayaa maanta si wadajir ah ugu qabtay Muqdisho xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8-da Maarso oo sannad walba laga xuso dunida oo dhan, iyadoo la sheegay in lasoo hormariyay maadaama ay berri Jimco tahay oo laga nasanayo shaqooyinka.

3/7/2013 7:21 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Shirkadda Mubaarak Farsamasi ee dawooyinka soo dejiya ayaa sheegtay in dawooyinkeedda ay ka soo iibiyaan mid ka mid ah shirkadaha sameeya dawooyinka ee dalka Turkiga, kuwaas oo soo saara dawoooyin tayo leh.

3/7/2013 7:19 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah dhibanayaashii dacwadda ku oogay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaalya Cali Samatar, ayaa ka hadlay waraaq uu Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Saacid u qoray wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo uu kaga codsanayo in xukunkii lagu xukumay Cali Samatar la buriyo maadama oo uu xaasanad siyaasadeed leeyahay.

3/7/2013 6:31 AM EST
Khamiis, March 07, 2013 (HOL) - Wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya Yuusuf Xaaji ayaa noqday senatorka Garissa, kadib markii uu si dirqi ah kaga guulaystay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Faarax Macallim oo muddo ku dhow labaatan sano ahaa xildhibaanka deegaanka Dhadhaab.

3/7/2013 5:27 AM EST
Xildhibaan Yuusuf Xassan ayaa si aqlabiyad ah markale loogu doortay kursiga degmada Kamakunji oo ah deegaanka ay ka tirsantahay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

3/7/2013 12:45 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlusunna Waljamaca ayaa shalay kala saxiixday heshiis qodobbo badan ah, kuwaasoo ay si wadajir ah u saxiixeen mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

3/7/2013 12:22 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Guddiga doorashooyinka dalka Kenya ayaa sheegay inay dib ugu laabteen tirinta codadka doorashooyinka, kaddib markii ay xumaadeen qalabkii lagu tirin lahaa codadka, iyagoo sheegay inay natiijadu soo bixin doonto berri oo Jimco ah.

3/6/2013 11:57 PM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida diirran u soo dhaweynaya go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunno-qabteynta hubka kaga qaaday dowladda Soomaaliya.