4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Shirkad soo Bandhigtay Tayada Dawooyin ay dibadda ka keento iyo Xiriirka ay la leedahay Shirkad Turki ah (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Shirkadda Mubaarak Farsamasi ee dawooyinka soo dejiya ayaa sheegtay in dawooyinkeedda ay ka soo iibiyaan mid ka mid ah shirkadaha sameeya dawooyinka ee dalka Turkiga, kuwaas oo soo saara dawoooyin tayo leh.

Munaasibad lagu soo bandhigayey xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeye shirkadda Mubaarak (MUBCO) iyo shirkadda Turkiga laga leeyahay ee dawooyinka samaysa ee BILIM ayaa lagu qabtay Hoteel maansor ee magaaladda Hargeysa.

Xafladan waxa ka soo qaybgalay madax ka socota shirkadda Turkiga ee dawooyinka BILIM oo magaciisa la yidhaa Aunur Ozkan, guddoomiyaha Shirkadda Mubaarak Company Yuusuf Ducaale Bare,  masuuliyiin ka socotay wasaaradda Caafimaadka, Hay’ada Ilaalinta Tayadda Alaabooyinka iyo dhakhaatiir  madaxa banaan.

Maamulaha guud ee shirkadda Mubaarak Dr: Yuusuf Ducaale Barre, ayaa sheegay inay munaasibaddani fursad u tahay in ay iskugu keenaan Sarkaal sare ee ka socda Shirkadd BILIM  Mr: Onur Ozkan iyo dhakhaatiirta iyo ganacsatada xagga dawooyinka ee Somaliland.

“Waxaanu maanta aad iyo aad ugu faraxsanahay inaanay xafladdani balaadhan isugu kiinKeenay Ganacsatada Dawooyinka iyo Dhakhaatiirtii Somaliland iyo Mr Onur Ozkan oo ah sarkaal sare oo ka socda shirkadda BILIM ee dalkaasi Turkiga”ayuu yidhi maamulaha guud ee shirkadda wadaniga ah ee Mubaarak Company Dr Yuusuf Ducaale Barre, waxaanu tilmaamay in dalka keenaan dawooyin tayo leh, waxaanay labadda shirkadood Mubaarak iyo Bilim Company ka dhexeeya xidhiidh ganacsi.

Sarkaal sare oo ka socday shirkadda BILIM ee Turkiga ayaa u mahadnaqay shirkadda Mubaarak Pharmaceutical Company oo xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo, waxaanu halkaasi ka bixiyey macluumaadka shirkadooda iyo tayadda dawooyinka ay sameeyaan, waxaanu sheegay in shirkadooddaa la sameeyey 1959, taas oo xafiisyo ku leh dalal badan oo ay u joogaan 48 Wakiil.

Guddoomiyaha Ururka dhakhaatiirta Somaliland Dr Obolas, ayaa sheegay inay ka dhakhaatiir ahaan xusuusinayaan inay qaar badan oo kamida Dawooyinka dalka la keeno inaanay faa’iido badan lahayn balse waxa uu fariin u diray Shirkadda Bilim iyo Dawladeeda Turkiga inay Somaliland tahay dalka isku tashaday oo Dimoqoraadi ah.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Farxaan Liibaan oo ah maamulaha Liibaan Aan Iimaan, waxaanu sheegay inay Dawooyinka tayada leh in dalka la keenaa aanay ku xidhnayn ganacsatada, balse ay ku xidhantahay in  dhakhaatiirtu  marka hore dadka bukaanka ah u qoraan Dawooyinka tayada leh.

Agaasimaha Hay’adda Ilaalinta tayadda alaabooyinka Somaliland Mustafe Maxamed ayaa sheegay in daraasad ay sameeyeen ku ogaadeen in khatarta ugu badan ay ka timaado dawooyin aan tayo lahayn oo dadka la siiyo, kuwaas oo dhibaato badan ku haya dadweynaha. Waxaanu shirkadda Mubaarak uga mahad celiyey xafladan ay ku soo bandhigayan dawooyinka ay keenaan.

Shirkadani waa tii ugu horeysay ee soo bandhiga dawooyinka ay dadweynaha ka iibiso tayadoodda iyo halka ay ka keenaan.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland