Xildhibaan Yuusuf Xassan oo si aqlabiyad ah ku helay codadkii laga dhiibtay degmada Kamakunji
Khamiis, March 07, 2013 (HOL) - Xildhibaan Yuusuf Xassan ayaa si aqlabiyad ah markale loogu
doortay kursiga degmada Kamakunji oo ah deegaanka ay ka tirsantahay xaafada
Islii ee magaalada Nairobi.
Isagoo wali lagu daaweynayo isbitaalka ayaa la gudoonsiyaay
warqadii guusha, waxaana uu xildhibaanku mahad u celiyay dadweynihii doortay.
“Waxaan mahad u jeedinayaa reer Kamakunji waan si laban
laabi doonaa shaqadii aan idiin hayay” ayuu yiri Yuusuf oo ay farxadi ka
muuqatay.
Waxaana uu helay 44,288 codadkii la dhiibtay, iyadoo
musharraxa la tartamayay ee Cumar Yuusuf oo la yaqaano Omaro uu helay in ka
badan 24,000 oo c od.
Waxaana guusha uu gaaray xildhibaanka Yuusuf Xassan u
riyaaqay dadweynaha xaafada Islii oo doonayay inuu markale soo noqdo, si uu u
dhammaystiro mashaariicdii uu ka bilaabay xaafada oo ay kamid tahay dhismaha
wadooyinka xaafada,soo celinta bilicda Islii iyo waliba dhisitaanka xarumo
caafimaad iyo kuwo waxbarasho.
Waxaana Yuusuf uu hogaamin doonaa degmada 5-ta sano ee soo socota isagoo wali aan ka kicin dhaawac soo gaaray intii uu
ku guda jiray kaambaynkii doorashada xilli uu kasoo baxay mid kamid masaajidada
xaafada Islii (Eastleigh).
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya