12/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2013
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Booqday Iskuulka Degmada Caabud-waaq, Qalabna Guddoonsiiyay (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 06, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha xukuumada Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka booqday dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Shire Jaamac Axmed, kaasoo ah dugsiga ugu weyn ee ardayda degmada Caabudwaaq wax ka bartaan.

Mudane Saacid ayaa ayaa qalab waxbarasho oo isugu jiray, buugaag, qalimaan iyo agab kale oo waxbarasho guddoonsiiyay maamulka dugsiga, si loogu kaashado waxbarashada iskuulkaas ka socota.

Ra'iisal wasaaraha ayaa ardadya dugsiga ku dhiirri-geliyay waxbarashada, wuxuuna xusay inay yihiin ardayda maanta madaxda dalka ee berrito, isagoo u ballan-qaaday in intii karaankooda ah ay dowladdu ka taageeri doonto sidii ay u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga u ah waxbarashada.

Sidoo kale, ra'iisal wasaaraha ayaa u ballan-qaaday inuu u soo dirayo degmada wafdi ka socda wasaaraddda horumarinta iyo adeega bulshada, si ay qiimeyn ugu sameeyaan baahida ay u qabaan horumarinta waxbarashada, illaa heer Jaamacadeed.

Ra'iisal wasaaraha ayaa ugu dambeyn booqday saldhiga booliiska degmada Caabudwaaq halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidammo suga amniga, wuxuuna kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan xasilinta ammaanka degmada iyo gobolkaba.

Dhanka kale, wuxuu kormeeray qeybo ka mid ah garoonka Caabudwaaq oo ay dhawaan u aasaaseen dad qurbajoog ah si iskaa wax u qabso ah kaasoo shaqeeya si joogto ah.

Socdaalka ra’iisul wasaaruhu uu ku tagay degmada Caabudwaaq ayaa wuxuu ka mid booqashooyin isdaba-joog ah oo uu ku marayo gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.









PM.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya