4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Dagaal khasaare badan geystay oo Cidamada Dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Afgooye

Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Inta la ogyahay 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo duleedka degmada Afgooye ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen ciidammo ku sugnaa koontarool lacago looga qaado gaadiidka, iyadoo dagaalku uu socday muddo saacad ka badan.

“Hub kala duwan ayay labada dhinac adeegsanayeen, waxaan aragnay 10 dhinacyadii dagaalamay ah oo goobta ku dhintay, toddoba ka mid ah waxay ahaayeen ciidamadii dowladda ee goobta ku sugnaa,” ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka Tixsiile oo dagaalkan uu ka dhacay.

Mas’uul u hadlay maamulka gobolka Shabeellada Hoose si kooban uga hadlay dagaalka ayaa sheegay inay ku dileen afar dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan ayna ku qabsadeen gaari dagaal oo ay Al-shabaab wateen, isagoo xusay in dhankooda aysan jirin khasaare kasoo gaartay dagaalka.

Sarkaalka u hadlay maamulka gobolka oo lagu magacaabo Mahdi Xasan ayaa ku daray hadalkiisa in ciidamada ay dagaalka la galeen ay ahaayeen kuwii kasoo baxay degmada Buur-hakaba, isagoo xusay in goobtii uu ka dhacay dagaalka ay iyagu ku sugan yihiin.

Al-shabaab kama aysan hadlin weli dagaalka ay la gashay ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo Al-shabaab ay dagaalladeeda u bedeshay kuwo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah, kuwaasoo ay ku qaadeen saldhigyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin gobollada dalka qaarkood.

Sannad iyo barkii lasoo dhaafay Xarakada Al-shabaab waxaa laga qabsaday degmooyin badan oo ay gacfanta ku hayeen, kuwaasoo ayka mid yihiin degmooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ay xoog badan ku lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya