4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Ra'iisul Wasaare Saacid iyo Wafdigii uu Hoggaaminayay oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garbahaarey (SAWIRRO)


Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayna ka mid yihiin: wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga, xildhibaanno iyo saraakiil kale ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey boqolaal dadweyne ah kuwaasoo sitay sawirrada ra'iisul wasaaraha, waxayna ku qaylinayeen erayo ay ka mid yihiin ‘Soo dhawaada jaallayaal’ iyaga oo lulalayay caleemo qoyan iyo calanka Soomaaliya.

Mudane Saacid ayaa durbadiiba kluammo la qaatayy maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada si uu ugu kuur-galo xaaladda dhabta ah ee deegaannadaas.

Odayaasha dhaqanka magaalada ayaa xukuumada ka codsaday in laga garab-siiyo dhanka amniga, gaara ahaana sidii looga sifeyn lahaa Al-shabaab degaannada gobolka Gedo ee weli gacantooda ku jira. Sidoo kale odayaasha ayaa ra'iisul wasaaraha u caddeeyay inaysan wax lug ah ku lahayn shirka Kismaayo ka socda, cid reer Gedo ahna aanay ka qaybgalin.

Odayaasha ayaa sidoo kale ra'iisal wasaaraha iyo wafdigiisa u xaqiijiyay inay diyaar la yihiin inay ku wareejiyaan hantidii dowladda iyo xarumaheedii si loogu adeego bulshada.

Dhanka kale, ra'iisal wasaaraha iyo xubno ka tirsan wafdigiisa ayaa galabta booqday qabriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre, iyagoo u duceeyay.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaare Saacid ayaa ducada kaddib Alle uga baryay inuu u dambi dhaafo "Wixii uu qabtay runtii waa wax muuqda, Illaaheyna dembi dhaaf ayaan uga baryeynaa," ayuu yiri Saacid.













Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya