4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo Magaalada Muqdisho ka Hirgelinaysa Xarun isugu jirta Xannaano iyo Waxbarasho

Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa sheegtay inay ka dhisayso Muqdisho iskuul xannaano iyo waxbarasho isugu jira, taasoa qayb ka ah gargaarka ay bani’aadamnimo ee ay kawaddo dalka Soomaaliya.

Turkish Red Crescent build a boarding vocational school in Mogadishu as part of
Guddoomiyaha Bisha Cas ee Turkiga, Ahmet Lutfi Akar oo u warramayay wakaaladda wararka Turkiga ee Anatooliya ayaa hoosta ka xariiqay inay tani qayb ka tahay howlaha gargaar ee Turkiga uu wado, ayna doonayaan inay ku baahiyaan Soomaaliya dhaqanka Turkiga, ayna la wadaagi doonaan shaqsiyaadka barakacayaasha ah.

“Markii la dhameystiro dhismaha iskuulkan xannaanada iyo waxbarashada isugu jira, waxaa wax ku baran doona 360 ardayda oo la bari doono xirfado isugu jira faryaamada, kambiyuutarka iyo koronta,” ayuu Akar hadalkiisa ku daray.

Dalka Turkiga ayaa wuxuu Somalia kawadaan howlo bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka iyo quudinta barakacayaasha ku jira xeryaha ku yaalla Muqdisho iyo duleedkeeda.

Hay’adaha ku sugan dalka Soomaaliya ee Turkiga ah ayaa waxay markii ugu horreysay yimaadeen Muqdisho sannadkii 2011, markaasoo Soomaaliya ay ka dilaaceen abaaro sababay macluul daran, iyadoo isla sannadkaas uu soo booqday Muqdisho ra’iisul wasaaraha Turkiga, Raccep Tayyip Erdogan.

Xukuumadda Turkiga ayaa sidoo kale safaaraddiisii dib uga furay Muqdisho, taasoo lagu sheegay inay tahay mid lagu xoojinayo joogitaanka Turkiga ee gudaha Soomaaliya iyo gargaarka ay hay’adahoodu ka wadaan Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ay ka hirgeliso Muqdisho iskuul ama xarun xannaano, balse waxay horay u hirgelisay xarumo lagu xannaaneeyo agoonta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya