4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Shir-weynihii Saddexaad ee Ururka Suxufiyiinta Afirka oo ka socda Magaalada Kasabalanka ee dalka Marooko (SAWIRRO)


Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Shriweynihii seddexaad ee ururka suxufiyiinta Afrika Federation of African Journalist (FAJ) oo furmay maalitii Sabtida ahayd ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Casablanca ee xarunta dalka Morocco.

Shirkan ayaa waxa ka qayb-galaya ergooyin ka kala socda 44-dal oo ka mid ah Qaaradda Afrika iyo wafuud ka kala timid daafaha caalamka. Shirkan oo ah mid saddexdii sanaba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlay saxaafadda Afrika iyo xaaladaha haysta suxufiyiinta Qaaradd, sida ammaan-xumada soo wajahsad suxufiyiinta iyo sidii looga hortagi lahaa shaqo xumida heysata suxufiyiinta Afrika.

Shirweynaha ayaa waxaa ka hadlay hoggaanka ugu sareeya ee ururka suxufiyiinta Adduunka ee IFJ, Jim Boumelha isagoo is-dul-taagay doorka ururka suxufiyiinta Adduunka ee u aaddan taageeridda iyo garab-istaagga suxufiyiinta Afrika iyo urarradooda.

Waxaa sidoo kale ka hadlay shirweynahan guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Afrika isla markaana ah xoghyaha guud ee ururka Qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cusmaan isagoo khudbaddiisa kaga hadlay waxqabadka ururka FAJ muddadii saddexada sano ee uu jiray. Cumar Faaruuq ayaa soo bandhigay daraasad ururka suxufiyiinta Adduunka iyo midka Afrika ay ka diyaariyeen xaaladaha shaqo ee suxufiyiinta Afrika.

Shirweynaha ayaa waxaa lagu ogolaaday miisaaniyad loogu taloglay in lagu horumariyo suxufiyiinta Qaaradda Afrika oo gaarayso 24-miyan oo doollar.

Sidoo kale waxaa shirk aka hadlay wasiirka warfaafinta ee dalka Morocco, Mustafa Al-Khalfi, isagoo sheegay in suxufiyiinta Afrika ay howlo badan u hayaan Qaaradda. Wafdiga ayaa waxaa casho soo dhaweyn ah u sameeyay ra'’iisul wasaaraha Morocco.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa kaga qeyb-galaya ergo seddax qofood ah oo ka socda ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, kuwaasoo uu horkacayay xoghayaha guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cusmaan.













Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya