3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Wafdi ay Horkacayso Wasiiradda Hormarinta & Adeegga Bulshada oo Maanta booqday Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wafdi ay horkaceyso wasiirka wasaarrada hormarinta adeega bulshada ee dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Maryan Qaasim Axmed  ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu dhawaan ka dillaacay cudurka shuban-biyoodka.

Socdaalka wasiirrka hormarinta adeega bulshada ee magaalada Baladweyne waxaa ku wehlinayay wasiirrka wasaarrada Kheraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed iyo xubno ka tirsan wasaarrada caafimaadka kuwasoo u kuur-galayay xaalada dadka uu soo ritay cudurka shuban-biyood ee lagu daweynayo xarumo caafimad  oo laga her-galiyay dulleedka magaalada Baladweyne.

Xubnaha wafdiga oo kulan ballaaran kula yeeshay xarunta AMISOM ee dulleedka magaalada Baladweyne mas'uuliyiinta maamulka gobollk iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti, waxaa halkaa warbixin ku siiyay dhaqaatiirta ciidamada AMISOM ee gacanta ku heysa daweynta dadka uu soo ritay cudurka.

Dhakhatiirta ayaa wasiirrada uga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray cudurka iyo markii ugu horeeysay ee lagu arkay magaalada Baladweyne, iyaga oo sheegay in baaritaan saacadihii ugu danbeeyay la sameeyay lagu ogaaday in cudurku yahay daacuun.

Warbixinta dhakhaatiirta Jabuuti kadib waxaa halkaa ka hadashay wasiirrka wasaarrada hormarinta adeega bulshada Dr Maryan Qaamis Axmed oo sheegtay in ilaa iyo hadda aan lagu tilmaami karin cudurka in uu yahay daacuun.

“Anniga dhakhtar ayaan ahay, astaamo lagu garto ayuu leeyahay cudurka daacuunka, ilaa iyo haddana astaamahaas ma muuqdaan, sidaa daraadeed wali lama oran karo waa daacuun, laakiin waxaan dhihi karnaa waa shuba-biyood caadi ah,’’ayeey tiri wasiirrka hormaarinta adeega bulshada.

Waxaa ay weydiisay dhakhaatiirta ciidamada Jabuuti ee gacanta ku haya bukaanka in ilaa iyo hadda ay arkeen tiro dad ah oo qoys kaliya ka kooban oo mar kaliya uu cudurka soo ritay, iyaga oo sheegay in ilaa iyo hadda aysan arag kiis noocaas oo kale ah, taasoo ay u cuskatay wasiirrka doodeeda ah in cudurkan uusan aheyn daacuun.

“Way dhici kartaa in sheybaarka uu sidan sheegay, laakiin marka laga hadllayo sheybaarka waxaa suurtagal ah in marka 10 ruux tijaabo laga qaado labo ruux oo ka mid ah lagu arko astaamo muujinaya daacuunka, sidaa daraadeed lama dhihi karo dadka cudurka uu soo ritay oo idil waxaa la soo darsay cudurka daacuunka,’’ ayeey tiri wasiirrka hormarinta adeega bulshada oo maanta booqatay Baladweyne

Kulamo kala duwan ayeey kula qaadatay xarumaha lagu daweynayo dadka cudurka uu soo ritay mas’uuliyiinta maamulka gobollka, dhakhaatiirta gobollka gaar ahaan maamulka isbitaalka guud ee Baladweyne iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti oo dhamaantood ka wada hadlleen xaaladaha caafimaad darro ee ka jira magaalada.

Waxay sheegtay in ay siweyn ula socon doonto xaalada dadka bukaanka ah, qeybna ka qaadan doonaan gurmadka caafimaad ee loo fidinayo dadka uu soo ritay cudurka.

Dhakhaatiirta Jabuuti ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uu cudurku halleelay dad ka badan 400 oo ruux, halka ay u dhinteen ilaa 12 ruux oo toban ka mid ah ay sheegeen in ay ahaayeen caruur.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
3/30/2013 3:51 PM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno, aynaka mid ahaayeen, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo wasiirka gaashaandhiga ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo la kulmay waxgaradka iyo maamulka.

3/30/2013 2:48 PM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ansixisay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday horraantii bishan Maarso, natiijadii ay soo saareen guddiga doorashadana ay ahayd mid sax ah, waxaana go’aanka maxkamadda aad u soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xilka banneynaya ee Kenya, Raila Odinga oo dacwad uu ku diidan yahay natiijada u gudbiyay maxkamadda sare ee Kenya.

3/30/2013 2:46 PM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Deegaanno hoos yimaada gobolka Bay qaarkood waxay dhaliil u soo jeediyeen hay’adaha samafalka qaarkood sida UNICEF, ICRC, FAO iyo NRC kuwaasoo kawada howlo gargaar deegaannada dhibaatada ka jirto,

3/30/2013 11:52 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Magaaladda Ceeryaan ee koonfur galbeed ee gobolka Sanaag, ayaa lagu soo afjaray khilaaf u dhexeeyey laba beelood oo wadda dega deegaankaasi.

3/30/2013 8:06 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale,ayaa ka jawaabay eed loo soo jeediyey oo ahaa in gaadiid ay dawladu iibsanayso dad gaar ah uu ku siiyey qandaraasyo.

3/30/2013 8:02 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Dowladda Somaaliya ayaa wadda qaban-qaabada shir-weynaha Qaran oo looga tashanayo dib u habeynta garsoorka oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay 11-kii bishii Febraayo ee sanadkan. Shirkan ayaa wuxuu billaabanayaa 01-da April wuxuuna soconayaa illaa 05-ta isla bisha April ee isla sanadkan 2013, wuxuuna ka dhacayaa magaalada Muqdisho.

3/30/2013 7:21 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

3/30/2013 6:49 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Dhaqaatiirta caafimaadka ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa ku dhawaaqay in magaalada Baladweyne uu ka dillacay cudurka daacuunka.

3/30/2013 4:26 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Kaddib markii la magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa wuxuu ku tagay gobollada dalka booqashooyin uu ugu kuugalayo xaaladaha ka jira gobollada dalka, taasoo ay shacabka Sooamaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

3/30/2013 4:05 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaah dibadda Kanada, John Baird ayaa sheegay in sannadkan uu booqan doono dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay dowladdiisu gacan weyn siin doonto dowladda cusub ee Soomaaliya.

3/30/2013 3:47 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay sii-daynta Bashiir Makhtal oo Somali-Canadian ah kuna xiran dalka Itoobiya muddo lix sano ayaa lagu qabtay xalay magaalada Ottawa ee dalka Kanada, iyadoo kulankaas ay kasoo qaybgaleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa, mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Kanada, xaaskii Bashiir Makhtal iyo walaalkiis iyo mas’uuliyiin kale.