4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Maayarka Degmada Saylac oo sheegay in Xidhibaanada golaha Deegaanka ee Saylac laga diiday Is-casilaaddoodii

Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Maayarka golaha deegaanka magaalada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle ayaa sheegay maanta in golaha deegaanku Saylac uu cod aqlabiyad ah ku hakiyay ama ku diiday inay xildhibaanadii is-casilay ka aqbalaan is-casilaadooda. Arrintaas oo uu sheegay maayarku inay filayaan inay wax iska bedelaan.

Xuseen Iidle wuuxuu hadalka ku sheegay mar uu wareysi gaar ah siiyay HOL oo wax ka weydiisay inay qableen is-casillaadii xildhibaannada deegaanka, isla markaana ay ku gudo jiraan soo buuxintoodii, waxaanu maayarku ku jawaabay sidan:

“Xeerka dawladaha hoose wuxuu sheegayaa xubintu haddii ay is-casisho in goluhu uu cod u qaado, wuxuuna golahu isku raacay inaan la ogolaan is-casilaadda xildhibaannada, waxaana la yidhi waa arrin iska caadifadaysan oo laga yaabo in wax badan ay iska bedelaan, markaasna golahu wuxuu isku raacay in arrinkooda dib loo dhigo.”

Toddaba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Saylac oo kasoo jeeda beesha Ciise ayaa ku dhawaaqay inay xilkaas iska casileen kaddib markii ay sii xoogeysatay cabashadii beeshaasu ay ka qabtay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay.

Sidoo kale, saddex xildhibaan oo wehliyay xildhibaannadan oo iyaguna ka tirsanaa golaha deegaanka Lughaya oo kasoo jeeda isla beesha Ciise ayaa iyaguna laga diiday dalabkooda iscasilaadda.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland