4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Biyo la’aan aad u daran oo laga soo sheegayo Tuulooyin hoostaga Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay (SAWIRRO)


Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Deegaanno ka tirsan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka jirto biyo la’aan xooggan, kuwaasoo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool deegaannadaas.

Biyo la’aantan ayaa la sheegay inay ka dhalatay xilliga roobka sannadkan oo aad u yaraa, waxaana deegaannadaas ay kala yihiin” Hagarka, Soomow, Qasasheeb, Tigow, Waab-doorre, Hagarka, Bakaaro Shillin, Buulo-Hareeri iyo Kaalimow.

Tuulooyinkan ayaa waxaa biyaha looga keenaa deegaanno ka fog-fog oo u jira 15-km, goobahaas ay biyaha ka doontaan waxaa la yiraahdaa Roobey-gaduud iyo Hurubow waxaana ku yaalla ceelal rig ah.

Shacabka ku dhaqan tuulooyinkaas biyo la’aantu ka jirto waa kuwo aan qabin ceelal riig ah, balse waxay biyaha ka helaan waro ama godad biyo keydiyayaal ah kuwaasoo dhammaantooda guray, xillaga hadda lagu jiro waa xilli aad u kulul oo jiilaal ah oo ay bisha Maarso tahay bilow.

Deegaannada ay biyo la’aantu ka jirto waa kuwu wax-soo-saarka badan ee degmada Baydhabo, waxaa ku nool dad tiro badan, hase yeesheen ma haystaan wax taakuleyn ah, kamana shaqeeyaan hay’ado samafal, sidaa daraadeed waxay codsanayaan in lala soo gaaro biyo oo ah nolasha koowaad ee nafleyda, si loogu gurmado booyado biyo ah ama loogu qodo Ceelal riig ah.

Gaari dameerro ayaa biyaha loogu keenaa dadka ku nool tuulooyinka, iyadoo laga yaabo in maalin ay biyo la’aan ahaadaan, maadama gaadiidka ay safarka u dirsadeen uu yahay nafley soo daahaya.


Hiiraan Online, Baydhabo.