3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo helaysa Hubkii ugu horreeyay tan iyo markii laga qaaday Cunno-qabateyntii Muddada Saarnayd


Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliy, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay rajeynayaan inay helaan hubkii ugu horreeyay tan iyo markii laga qaaday cunno-qabateyntii hubka ee saarnayd Soomaaliya in ka badan 20 sano, si ay u xoojiaan ciidamadooda dagaalka kula jira Al-shabaab.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay og-yihiin walaaca ay beesha caalamka ka qabaan in hub loo diro dal ay dagaallo ka socdaan, isagoo xusay inay la socdaan in dunidu ay eegayso sida ay dowladda Soomaaliya hubkan cusub u maareynayso.

“Waxaan qaadnay mas’uuliyad buuxda; dunidana innaga ayay na eegaysaa oo ay na ilaalinayaan,” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo uu kaga   qaybgalay shirkii Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliy ay heli doonto hubka ugu horreeya inta lagu jiro labada bilood ee soo socota, isagoo ku datay hadalkiisa: “Kama walaacsanin inaan qalab helno, balse waxaan ka walaacsannahay sidii qalabkaas lagu maareyn lahaa.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay mustaqbalka dhow ay dalkii ay doonto hubkeeda ka iibsan doonto. “Waxaan raadinaynaa qalab nagu habboon oo aan ku xallin karno ammaanka gudaha dalka. Balse xilliga soo socda Soomaaliya waxay noqon doontaa dowlad weyn oo hawadeeda iyo baddeedu furan tahay, sidaa daraadeedna waxaan u baahanaynaa hubka aad u waaweyn.”

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inay u baahan yihiin lacag dhan 450-milyan oo dollar, si loogu horumariyo 72 degmo oo ku yaalla Soomaaliya, si dalka uu uga baxo ku tiirsanaanta gargaarka aadanaha ee dibadda ka yimaada.

Hadalka madaxweynaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka qaaday Soomaaliya cunno-qabteyntii hubka ee la saaray sannadkii 1992-kii markaasoo hoggaamiye kooxeedyo ay isku qabqabsadeen awoodda dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/29/2013 3:44 PM EST
Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) - Duqa magaalada Ottawa ee dalka Kanada Jim Watson oo ay wehliyaan xubno ka tirsan madaxda degaanada magaalada Ottawa ayaa guddoonsiiyey Fartuun Cabdisalaam Adan abaalmarin ay ku muteysatay howlaha sama-falka oo ay ka waddo magaalada Moqdisho. Xafladdaas oo ay soo abaabuleen hay'adda "City for All Women Initiative" laguna qabtay xaruunta magaalada Ottawa (City Hall)

3/29/2013 2:32 PM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka ku yaalla Khaliijka Carabta, isagoo caawa wadahadallo la yeeshay dhaxal-sugaha dalkaas, Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan, iyagoo uga hadlay kulankooda arrimo la xiriira: ammaanka, dib u heshiisiinta harumarka iyo siyaasadda.

3/29/2013 1:29 PM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Roobabkan oo billowday saqdii dhexe ee xalay oo socday illaa barqonimadii maanta ayaa waxay ka da’een deegaanno iyadoo degaannadaas ay kasoo baxayaan in roobabku ay geysteen khasaare isugu jirta naf iyo maal.

3/29/2013 12:49 PM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo gellinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa warbaahinta uga warbixiyay natiijada kasoo baxday wadahalladii Kismaayo iyo kulamadii uu la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.

3/29/2013 10:29 AM EST
Jimco, 29 Maarso, 2013(HOL) :- Ciidamo aad u tiro badan oo katirsan dowladda Soomaaliya islamarkaasina mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa duleedka magaalada ayaa maanta gudaha usoo galay magaalada Kismaayo, iyadoona ciidamadani la dajiyay saldhigyo ku yaal gudaha magaalada.

3/29/2013 10:13 AM EST
Jimco, 29 Maarso, 2013(HOL) - Wafdigii uu hogaaminayay ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

3/29/2013 3:47 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Xaflad ballaaran oo lagu sagootinayey 135 arday oo ka qalin jebiyey fasalka afraad ee dugsiga sare ayaa shalay galab ka dhacday xarunta dugsiga sare Imaamu Shaafici ee magaalada Boosaaso.

3/29/2013 3:34 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno ku saabsan eedeymaha ku saabsan in ciidamada dowladda ay dhibaatooyin u geystaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ahayd inay difaacaan, isagoo xusay in haddii askari lagu helo dambi wax laga weydiin doono sarkaalkii xukumayay.

3/29/2013 3:05 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhaweeyay xukunkii ay maxkamadda ciidamada ku ridday gacan ku dhiiglihii dilay wariye Xasan Yuusuf Absuge, iyadoo xoghayah guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq uu xukunkaas ku tilmaamay mid hoos u dhigaya dilalka loo geystay suxufiyiinta Soomaaliyeed.

3/29/2013 2:29 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Wadahadalladii u dhexeeya xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa guul-darro ku dhammaaday kaddib markii la isku fahmi waayay wadahadallo socday shantii maalmood ee lasoo dhaafay.

3/29/2013 1:58 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Dhallinyaro kooxo-kooxo u abaabulan ayaa la sheegay inay dhibaatooyin isugu jira dhac iyo kufsi ka geystaan xilliyada habeenkii ah magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo taliyaha booliiska uu sheegay inay xirxireen kooxo kuwaas ka mid ah.