4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Wasiiradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada oo Dhagax-dhigtay laba Dugsi oo laga Hirgelinayo Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Wasiiradda wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed oo uu wehliyo dajiraha Jamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo madaxda waaxda waxbarashada ee wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ayaa maanta dhagax-dhigtay dugsiyada 21-ka Oktoobar iyo dugsiga sare ee Howl-wadaag oo ka mid ah shan dugsi oo ay Jamacadda Carabta ka gacan siinayso dawladda Soomaaliya dib u dhiska Iskuullada.

Dhagax-dhigiddan kaddib ayay uga mahad-celisay wasiiradda gacanta ay ka siisay Jamacadda Carabta dib u dayactirka iskuullada, iyadoo intaasi ku dartay in wasaradda aanay ka dabcin go’aankeedii ahaa dib u soo celinta adeegyada muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Mahamed Cabdalla Idiris oo ah dajiraha Jamacadda Carabta u jooga dalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Jamacadda Carabta aanay ku ekaanayn tageerada ay siinayso Soomaaliya; balse tani ay tahay billowga garabka Jamacadda Carabta ay siinayso Soomaaliya dhawaanna ay qorsheynayaan hirgalinta xarumaha caafimaadka ee dowladda hoos yimaada.

Dhagax-dhiggani ayaa daba-jooga dayactirro lagu sameeyay dugsiyo kala duwan oo ku yaalla gobolka Banaadir iyo sidoo kale ballan-qaadka ay horay u ballan-qaaday wasaaradda horumarinta adeegga bulshada oo ahaa in hal milyan oo arday Soomaaliyeed ah ay u dareeri doonaan waxbarashado lacag la’aan ah.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya